Beesha Abgaal ku dhowaaqday go’aan ay ku dhiseyso maamul federaal ah oo MUQDISHO ay ku jirto (Documents)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo mudooyinkaani uu Khilaaf ka taagnaa qaab dhismeedka Maamulka Gobalka Sh/dhexe, ayaa waxaa arrintaasi si qoto dheer uga arrinsaday Beesha Abgaal, oo ah beesha ugu badan ee degta gobolkaas.

Beesha Abgaal waxa ay sheegtay in kadib markii aan lagu qancin qaabka loo soo saaray guddi uu magacaabay wasiirka arrimaha gudaha, ay beesha Abgaal go’aan gaartay.

Go’aanka beesha Abgaal ayaa ah in gobolka Shabeelaha Dhexe uusan maamul la sameysan doonin gobolka Hiiraan, sidaa darteedna ay beesha Abgaal dhiseyso maamul ka kooban Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.

Khilaafka Goodax iyo Beesha Abgaal, ayaa waxa uu xoogiisu ka dhashay kadib qaab dhismeed uusan talo iyo tusaale ku laheyn Guddoomiyaha Gobolka uu ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka taasi oo ay kasoo horjeesteen Beelaha Abgaal iyadoona Wasiirka ay ku diideen Arrinta magacaabista Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka.

Goodax ayaa rag ku beel ah siiyey xilal sare oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halka beelihii deegaanka u lahaa gobolka uu qadiyey.

Haddaba Dukumentiyadda hoos ku qoran waxay yihiin nuqullo qoraallo ka soo kala baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka iyo Shir-guddoonka Beesha Abgaal oo looga arrinsanayey Aayo-ka-talinta Gobalka Sh/dhexe.

Warqadda Goodax

1Doc 2Doc

Go’aanka Beesha Abgaal

3Doc 4Doc