QEYBDIID oo Cadaado la tagay qorshe cusub & Gobollada dhexe oo tashtay

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Gamlmudug Cabdi Xasan CawaaleQeybdiid ayaa xalay kulan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud kula qaatay gudiga farsamada maamul u sameeynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Kulanka labada dhinac, ayaa waxay uga wada hadleen sidii loo dadajin lahaa maamulka loo dhisayo Gobolada Dhexe, ayada oo Qeybdiid uu sheegay in qorshihiisa Cadaado uu yahay sidii dhismaha maamulka uu u guuleysan lahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in imaanshaha Qeybdiid ay tahay, kadib markii guddiga gudiga farsamada ay sheegeen in aysan tagi karin magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, mana sheegin ujeedka ay u diidiin tagida magaalada Gaalkacyo.

Gudiga farsamada maamul u sameeynta maamulka Gobolada Dhexe ayaa waxaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu wado in ay la kulmaan mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha bulshada.

Shirka maamul u sameeynta Gobolada Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in uu dhawaan ka furmo Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya, waxaana jira rabitaan buuxda oo ka muuqda dhammaan dhinacyada, taasi oo rajo wanaagsan ah.

Waxaa muuqata in ugu dambeyn dadka Gobollada Dhexe ay tashteen, ayna isla garteen dantooda guud inay ka weyn tahay tan gaar ahaaneed.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com