Markab daroogo usoo waday SOMALIA oo la qabtay ayadoo la sheegay inuu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada la dagaalanka kooxaha burcad badeeda ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen markab ay saarnaayeen waxyaabaha maanka dooriya oo kusoo wajahnaa dalka Soomaaliya.

Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo ka socda dalalka New Zealand iyo Australia ayaa la sheegay in lagu qabtay markabka oo ahaa nooca xamuulka qaada oo ay saarnaayeen daroogada.

Ciidamada labada dowladood ayaa howlgalka ka sameeyay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, waxaana la ogaaday in markaba uu kusoo wajahnaa dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay ciidamada difaaca New Zealand ayaa lagu sheegay in daroogada ay aheyd maandooriyaha xashiiska loo yaqaana, waxaana lagu qiimeeyya 246 milyan oo doolar.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in markabka uu ka soo dhaqaaqay dhanka wadamada carabta uuna kusoo jeeday dalka Soomaaliya, inkastoo aan si rasmi ah wadanka uu ka yimid loo sheegin.

Afar habeen oo ay baddu xumayd ayaa ciidamada is garabsanaya waxaa u suurtagashay inay baaritaan ku sameeyaan markabka oo lagu magacaabo Toowoomba, waxaana ay ugu dambeyntii ku guuleysteen inay ka soo saaraan xashiish uu tankiisu gaarayo 5,588 kg oo ku jiray boorsooyin sida bayaanka lagu sheegay.

Ugu dambeyntii howlgalka ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay markab dagaal oo laga leeyahay dalka Pakistan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com