Arag Sawirada: Somalia oo loo dhisayo xarun BAARLAMAAN oo qurux badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa Soomaaliya u dhisi doonta xarunta cusub oo baarlaman, oo quruxdeeda aan indhaha laga qaadi karin sida ku cad sawirrada naqshadda.

Naqshadda dhismaha cusub ee baarlamanka iyo dhismayaasha xarumaha baarlamaanka uu ku yeelanayo gobollada dalka, ayaa waxaa looga hadlay kullan ay Muqdisho ku yeesheen guddiyada joogtada ah ee baarlamanka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay hirgelin doontaa xarumahan cusub, waxaana la sheegay in laga dhisi doono xarunta dhismihii hore ee baarlamaanka oo loo yaqaan ex-baarlamaan, oo ku taalla meel u dhow taalada daljirka daahsoon ee Muqdisho.

Dhismaha xarunta baarlamaanka waxaa wehlinaya dhismayaasha xarumaha golaha shacabka uu ku yeelanayo gobollada dalka, iyadoo gobol walba oo dalka ka mid ah uu baarlamaan ku ku yeelan doono xarun.

Baarlamanka cusub ee loo dhisi doono Somalia, ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu quruxda badan caalamka.

Halkan ka arag sawirrada naqshadda

bar1bar2bar3bar4bar5bar6bar7bar8bar9