SHULMAN Rogers oo diiday qorshe ay wateen Xuseen Cabdi Xalane & Bashiir Ciise iyo FADEEXAD cusub oo taagan

Washington DC (Caasimada Online) – Shirkada Lawyerada Shulman Rogers ayaa diiday amar ay ka heleen Gudoomiyaha Bankiga dhexe Somalia kaas oo lagu weydiistay inay kiiska aruurinta lacagta Caalamka u taala Somalia ku wareejiyaan Qareeno ay shaqaaleeysiiyeen Wasiirka Maaliyadda Somalia Xuseen Cabdi Xalane iyo Gudoomiyaha Bankiga dhexe Bashiir Ciise.

Gudoomiye Bashir Ciise iyo wiil uu dhalay ayaa Shulman Rogers weydiisatay lacag tiro badan si loo cusboonaysiiyo qandaraaska lagu soo aruurinayo lacagta Somalia dalalka dibadda u taal, hase yeeshee bixinta laaluushkaas si cad ayey u diideen Qareenadda Shulman Rogers.

Shulman Rogers warqadooda jawaab celinta waxay diidmadooda sabab uga dhigeen in dawlada Maraykanka ay arrintaas ka tahay dembi aad u weyn oo loogu yeero foreign corrupt practice Act. Waxay si dadban u sheegeen in Bashir Ciise iyo wiil uu dhalay oo degan Maraykanka ay dhawr jeer isku dayeen inay lacago tira badan ka qaataan.

Markii Shulman diiday inay bixiso lacagtii la weydiiyay ee laaluushka ayuu Gudoomiyaha Bankiga dhexe Somalia Shaqaaleeyay Qareeno kale oo degan Washington, laguna magacaabo Kobre & Kim LLP si loogu qasbo Shulman Rogers inay bixiso master list iyo faahfaahin meelkasta oo Somalia lacag u taal dunida.

Inkastoo Wasiir Xalane iyo Gudoomiye Bashir Isse dagaal xoogan ugu jiraan sidii lacagtaas ummadda Soomaaliyeed leedahay u heli lahaayeen hadana ma jirto qof taqaan cadadka lacagta soo xarootay iyo tan Caalamka taal.

Haddii ay isticmaalaan shirkad sida Shulman oo kala ah waxay ku qasban yihiin inay sheegaan waxa soo xarooday oo idil oo ay la socodsiiyaan dawlada Maraykanka.

Arrinta ugu weyn ee Bashir Ciise, Xuseen Xalane iyo nin ka shaqeeya Xafiiska Madaxweynaha oo la yiraahdo Aweys sameeyeen ayaa ah inay heshiis hoose la galeen raq qowlaysata ah oo la shaqeeya World Bank iyo IMF oo loo ballan qaaday lacag aad u tira badan si ay dawlada ugu dhaadhiciyaan in lawyers cusub loogu wareejiyo Shaqada soo celinta Hantida qaranka.

Qandaraaska cusub waxaa loo wakiishay Gabar la yiraahdo Hodan oo u shaqeysa Bashiir Ciise iyo nin la yiraahdo Cabdulahi Carays oo u shaqeeya Xalane, iyaga oo doonaya inay wixii dimbiya dusha laga saaro labadaas qof oo aan aqoon badan u laheyn sharciyada Caalamiga iyo dimbiyada kaga imaan doona Mustaqbalka.

Gudoomiyaha Bankiga dhexe Bashir Ciise wuxaa la sheegay inay qorsheynayaan inay Maxkamad la tiigsanayaan Shirkadda Shulman Rogers hadii ay bixin diido Liiska dalalka Lacagta Somalia u taal ee Caalamka iyo faahfaahin xisaabeedka.
Wasiir Halane iyo Gudoomiye Bashiir hadii ay ku fashilmaan Maxkamadeynta Shulman Rogers waxay ka dhalan kara inay xilkooda ku waayaan iyo in iyaga laftooda dib loo Maxkamadeeyo.

Bashir Ciise oo hada ku sugan New York ayaa doonaya inuu la soo baxo Dahabkii iyo lacagtii taalay New York Federal Reserve, aarintaas oo fadeexad weyn u soo jiidi doonta Dawlada Somalia, maxaa yeelay Dahabkaas wuxuu yiilay laga soo bilaabo 1960.

W/D: Ahmed Jama
Transparency Somalia