Cabdullahi Sambaloolshe oo xil cusub la sheegay in loo magacaabi doonno

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay baahisay idaacadda Dalsan ee Muqdisho, ayaa sheegaya in Aggaasimihii hore ee Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llaahi Mohamed Cali “Sanbalooshe” loo magacaabi doono Danjiraha Somalia u fadhiyada Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

C/llaahi Maxamed Cali “Sanbalooshe” oo xubin ka ah Xisbiga talada dalka haya ee PDP, ayaa dhawaan la tilmaamayaa inuu noqod doono Safiirka Somalia u fadhiya Dalka kenya, waxaana la sheegayaa inuu bedeli doono Maxamed Cali Amerika oo xiligaani ah Danjiraha Somalia u qaabilsan Kenya.

Isla idaacadda, ayaa maanta werisay in Maxamed Cali Ameeriko loo magacaabi doono guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho. Halkan ka aqri.

Sambaloolshe ayaa xilka Hay’adda Nabadsugida ku waayay kadib markii laga gudbiyay dacwado la xiriiray xadgudub uu u geystay Siyaasiyiin xubno ka ahaa DFS iyo kuwa aan ka tirsaneyn Dowlada, balse ka faalooda Arrimaha Siyaasada.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo warar ay sheegayaan in Siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda beesha ugu badan beelaha Muqdisho ee Mudullood ay diideen in Sabalooshe loo dhiibo xilka gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaraabo dhanka hooyada la ah Sambalooshe ayaa isku dayaya inuu xil u helo, kadib markii ay ra’iisul wasaare Cabdi Weli xilka ka qaaday, waxaana jiray warar la xiriirshay Sambaloolshe xilal badan, balse weli lama magacaabin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com