CIIDAMADA Raaskambooni oo geystay fal argagax leh iyo haween si aad ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaaya Magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulkaasi ay jirdil iyo faraxumeynba u geysteen Haween la sheegay inay isugu soo baxeen gudashada Munaasabada ciida.

Wararku waxa ay Tilmaamayaan in Haweenkaasi loo geystay Jirdil xoogan, halka qaarna goobta laga kaxeystay kadibna xili habeen ah laga siidaayay xariga kadib markii loo geystay faraxumeyn, xili ay isugu soo baxeen Farxada maalmaha ciida.

Nasteexo Yusuf oo kamid aheyd dumarka faraxumeynta loo geystay, ayaa sheegtay in lagula kacay fal argagax galiyay, waxa ayna Carabka ku dhufatay in iyaga oo gaaraya 8 dumar la faraxumeeyay, halka 11 oo u badnaa haween da’ ah lasii daayay.

”Waxan aheyn 19 dumar isugu jiray dhalinyaro iyo da’, waxaa noo imaaday Ciidamada ka amar qaata Axmed Madoobe, wan u sheegnay inaan isugu soo baxnay farxada Ciida, balse waxa ay inoo sheegen in nalooga baahan yahay saldhiga weyn ee Kismaayo, intaa kadib waxa ay nagu aruuriyeen qol waxa ayna la soo baxeen dhowr naag oo ay u geysteen faraxumeyn”

Falkaani foosha xun, ayaa waxa uu kamid noqonayaa falal argagax badan oo ay Magaalada Kismaayo ka geystaan Ciidamada Raaskambooni ee daacada u ah Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Maamulka KMG Jubba, ayaan weli ka hadlin arrinta la xiriirta faraxumeynta, waxaana cabasho muujinaayay Ehelada dumarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com