C/Weli Gaas oo dalbaday caddeymo ku saabsan maamulka gobollada dhexe

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka dalbaday inay cadeyso dhismaha maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Puntland ayaa ku doodaysa inaanu kala cadeyn deeganada maamulkaan loo dhisaayo, maadaama dhul badan oo ay Puntland kataliso ay kamid yihiin Gobolka Mudug.

C/wali Gaas ayaa sheegay in Degmooyinka Jariiban iyo Goldogob ay kamid yihiin dhulka ay maamusho Puntland, sidaasi awgeedna aysan suuragal aheyn in lagu tiriyo maamulka loo sameynaayo Mudug iyo Galgaduud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Puntland uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhismaha maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud, kaasi oo hada lagu howlan yahay.

Markii uu soo shaac baxay qorshahaan la xiriira dhismaha maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud, Maamulka Puntland waxa ay xiriirka u jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com