25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

DANJIRE Maxamed Cusmaan Cumar oo geeriyooday (Arag Sawirro taariikhi ah)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

London (Caasimada Online) – Danjire Maxamed Cismaan Cumar oo xilal safiirnimo oo dhowr ah usoo qabtay Soomaaliya, ayaa ku geeriyooday magaalada London ee xarunta dalka Britain.

Maydka dajiraha ayaa laga helay gurigiisa shalay oo Sabti ahayd, xilli ay muslimiinta isku diyaarinayeen maalinta koowaad ee Ciidul-Adxa.

Wax xanuun ah ama dhibaato ah laguma ogeyn Danjiraha. Danjire Maxamed Cusmaan, ayaa Jimcihii ka horreysay maalintii uu geeriyooday waxa ay dhowr email wadaageen tifaftiraha Caasimada Online, Axmed Cali, isaga oo danjiraha kala hadlayey maqaalo dhowr ah oo uu qoray.

Wuxuu Danjiraha ku sheegay emailkiisa inuu ku howlanaa qorista qormo uu ugu jawaabayo aqoonyahan Kenyan ah oo Somalia ku eedeeyey dhul-ballaarsi, taasi oo ku qotanta arrinta badda.

In Danjiraha uu Jimcihii email usoo dirayey Caasimada Online, sabtidiina uu geeriyooday waxa ay ku xasuusineysaa sida nolosha aadanaha aan la isku haleyn karin. Emailkii uu danjiraha usoo diray Caasimada Online, ayaa ah midkan:-

Walaal Axmed,

Mahadsanid emailkaaga jawaabta ah. Waa runtadaada dad badan ayaan arkin. Haddaba kuwa ii soo qoray horey uma arkin maqaalka. Kan kale 2016, waa oggahay aad ayaa loo xiiseeyaa. Dad badan ayaa jeebka ku haysta.
Waxaad dib u fiirisaa mid ka ah THE CASUSE FOR THE FAILURE OF THE UNION BETWEEN SOMALIA AND SOMALILAND AMA MAXAA KEENAY FASHILKA MIDNIMADA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND.
Insha Allah hadda mid ayan fara ku haayaa, oo loogu jawaabaayo nin Kenyan ah oo Soomaaliya ku eedeyay dhul ballaarsi. Waa wadaa.
Salaan iga gudoon.
Maxamed Cusman

Waajibaadka qaran ee uu gutay , laguna xasuusan karo marxuumka ayaa ahaa isagoo kaashanayay saraakiishii Waaxda habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda qaabka heerka sare ah ee ay u hogaamiyeen hab socodka Shirkii Madaxdii Ururkii Midnimada Afrika (OAU)  ee lagu qabtay Caasimadda Muqdisho sanadkii 1974.

Intii u dhaxeysay 1968-1972 waxa uu noqday u qeybsanaha Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee UK iyo Xoghayaha koowaad Safaaradda Soomaaliya ee China.

Intii u dhaxeysay 1976 – 1979 waxa uu noqday Lataliyaha koowaad Safaaradaha Soomaaliya ee Iran iyo Tanzania.

1980 ayaa waxaa dib loogu magacaabay Agaasimaha hab maamuuska Wasaaradda iyo kan Qaranka , isagoo qoray buugaag badan oo la xiriira diblomaasiyadda iyo khilaafaadka dowladaha.

Intii u dhaxeysay 1982 – 1991 ,  waxa uu noqday Safiirka Soomaaliya ee Safaaradaha Sudan, Yugoslavia  iyo  India , waxa kale uu Safiir aan joogta aheyn ka kala ahaa wadamada Sri Lanka iyo Singapore.

Qaran- burburkii kadib , Intii u dhaxeysay 2000-2004 waxa uu kala shaqeeyay Madaxweynihii hore ee KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan arrimaha diblomaasiyadda iyo habmaamuuska.

Kahor howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ka soo shaqeeyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) oo uu ka noqday Siihaye agaasime .

Marxuumka ayaa ahaa luqad yahan ku xeel-dheeraa ku hadalka luqadaha Af-Soomaaliga, Carabiga , English-ka , Talyaaniga iyo Mandarin Chinese , waxa uu fahmayay sidoo kale luqadaha Spanish-ka , Faransiiska iyo Hindi .

Marxuum Danjire Maxamed Cismaan Cumar oo ifka kaga tagay 5 wiil iyo 2 Gabdhood, ayaa waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1936.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Alle uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

moh cus1moh cus2moh cus3moh cus4moh cus5moh cus6moh cus7

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN  

- Advertisement -

Read more

Local News