Daawo: Yaa ka dambeeya ‘qaraxyada lagu leynayo’ mas’uuliyiinta gobolka Gedo?

Garbahaarey (Caasimada Online) – Xaalado adag oo isbiirsaday ayaa haatan ka taagan gobolka Gedo ee koonfurta dalka, waxayna isugu jiraan amni darro, arrimo bani’adaanimo iyo khilaafaad maamulka ah oo soo jiitamayey kahor doorashadii soo dhamaatay iyo kadib.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Gedo ka dhacayay weeraro qaraxyo ah oo lagu beegsaday mas’uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha muhiimka ee ka howlgala gobolkaasi, waxaana ugu dambeeyay weerarkii is-qarxinta ahaa ee shalay ka dhacay Baardheere.

Afhayeenka maamulka gobolka Gedo oo lagu magacaabo, Cali Jubba ayaa wareysi uu siiyay Shabelle TV kaga hadlay xaaladda guud ee gobolkaasi iyo qaraxyada kusoo batay.

Cali Jubba ayaa tuhun weyn ka muujiyay qaraxyada bartilmaameedka ah ‘ee lagu leynayo mas’uuliyiinta gobolka’ kadib markii qaar kamid ah xubnaha maamulka oo ay saraakiil sar sare ku jiraan la dilay iyo halka kuwa kalena la dhaawacay, kadib qaraxyo loo dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saddexdii qarax ee ugu dambeysay ee kala kala dhacay degmooyinka Beled-xaawo, Luuq iyo Baardheere ay ka dambeeyeen ‘dad shurako la ah Al-Shabaab’ isla-markaana kasoo horjeedo nabadda iyo horumarka maamulka Gedo.

“Waxaa jira tuhuno badan oo aan is leenahay howshaan in Argagixisada lagu wehliyo, ama shurako lagula yahay oo ay abaabuulaan ama ay ka dambeeyaan dad diidan nabadda iyo horumarka gobolka Gedo, taas oo tuhuno ah waanu qabnaa,” ayuu yiri afhayeenka.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in qaraxyada ka dhacay gobolka Gedo ay ka duwan yihiin kuwii horay uga dhacay dalka intiisa kale, isla-markaana ay u muuqdaan kuwo lasoo maleegay oo lagu beegsanayo hal doorka gobolka oo ay ugu horreeyaan mas’uuliyiinta xilalka haya iyo saraakiisha u xil-saaran ammaanka ee ku sugan halkaasi.

“Qaraxyada nooca ka dhacay gobolka Gedo oo ugu dambeeyay kii shalay iyo labadii ka horreeyay ee lagu beegsaday taliye Bakaal Kooke iyo taliye Maxamed Aweys waa saddex nooc oo ka duwan qaraxyada kale ee ka dhaco dalka,” ayuu markale hadalkiisa raaciyay.

Saddexdii qarax ee ugu dambeysay ee ka dhacay Gedo ayaa waxaa mid kamid ahaa lagu khaarijiyay taliyihii NISA ee Gobolkaas, Korneel Bakaal Kooke oo 12-kii bishii Septembar lagu dilay qarax miino oo loo dhigay gaari uu la socday, xilli uu ka baxay degmada Luuq.

Sidoo kale waxaa weerar kale oo kaas la mid ah, isla-markaana ahaa qarax aad loo soo qorsheeyay isna lagu dilay taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada Xoogga Gaashaanle Maxamed Aweys, kas oo 18-kii bisha Febraayo ee sanadkan 2023 ka dhacay Beled-xaawo.

Qaraxa lagu dilay taliye Maxamed Aweys ayaa ka duwanaa qaraxyadii kale ee ka dhacay gobolka, maadaama sariirtiisa loogu kor xiray, kadibna lagu qarxiyay, isaga oo hurdayay.

Si kastaba, waxaa dhammaan weeraradaas dusha u ridatay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan qaybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta waddanka Soomaaliya.