26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Daawo: Dabageed oo sheegay arrin dad badan ka yaabisay

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka HirShabelle Mudane YuuSuf Axme Hagar (Dabageed) oo xalay khudbad dhab ka hadal ah ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay taariikhdiisa gaarka ee dhinaca waxbarashada, taas oo dhalisay hadal-heyn xoogan oo dad badan ka yaabisay.

Yuusuf Dabageed ayaa fagaaraha uu ka hadlayay ka sheegay in aanu waligiis wax soo baran, isla markaana aanu soo marin iskuul iyo jaamacad, haddane uu Alle u sahlay xilka uu maanta ka haayo HirShabelle iyo kuwii kale ee uu horay usoo qabtay.

“Qof aan wax baran oo dad madax u noqota ayaa dad wax ay ugu sheekeyso taqaan, anigu dugsi hoose, dhexe, sare iyo jaamacad ma qabo marka amar Ilaahey ayaa ku imid amar Ilaaheyna waa ku joogaa maslaxa kaleba ha jirto” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dhacdooyin qabsaday intii uu ku jiray dowladnimaa, isaga oo tusaale usoo qaatay shir caalami ah oo uu Xalane kaga qayb-galay, kaas oo ay goobjoog ahaayeen ajaaniib, isla markaana dhammaan madaxdii hadleysay ay ku khudbeeyeen Engilish, balse isaga marka lasoo gaaray uu ku hadlay luqadda Soomaaliga, maadaama aanu garaneyn luqad kale, kadibna ajaaniibtii kale loo sii tarjumay.

Sidoo kale Dabageed ayaa ka hadlay dhibaatada ay leedahay waxbarasho la’aanta, maadaama ay isaga ku dhacday, wuxuuna farriin culus u diray dhalinyarada Soomaaliyeed.

“War hadda ayaad fursad haysatiin wax barta Ilaahey waxa uu idin dhiibo saad si fiican ugu maamushiin oo si fiican ugu hoggaamidiin, arrintaas dardaaran ayay iga tahay” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay saameynta ay leedahay balwadda, isaga oo sheegay inuu horay u isticmaali jiray Qaadka, uuna sabab u yahay waxbarasho la’aanta ku dhacday, isaga oo sidoo kale uga digay balwadda dhalinyarada maanta ku jirta da’da waxbarashada.

“Aniga Jaadka ayaan aad u cuni Jiray, Balwadda halyska dhaafo waa iga gigniin kuwa ila joogoow iyo kuwa maqan, Diktoorna waxaa laygu bixiyay dadkaa iga yaabay, nin aan wax baran oo hadana soo taagan” ayuu mar kae yiri Yuusuf Dabageed.

- Advertisement -

Read more

Local News