Dabley hubeysan oo dil ka geysatay Laascaanood

Laasacaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay Garsoore maxkamadeed ku dileen gudaha magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolkaas oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdullahi Salaad Wadaad-Yare, wuxuuna ahaa Garsoore ka tirsan maxkamadda magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsatay, kadib dhacdada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey howl-gallo baaritaano ah oo dad lagu soo qab-qabtay.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay in ragga la soo qabtay oo lagu tuhmay dilka Garsooraha ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Laacsaabood ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacay dilal qorsheysan oo qaar kood loo geystay askar iyo mas’uuliyiin ku sugnaa gudaha magaaladaasi.