Guddoomiyaha HIIRAAN oo dacwo laga gudbiyey

Beled-weyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hiiraan, Cabdiraxiin Muxumed Taakoy ayaa dacwo ka dhan ah guddoomiyaha maamulka gobolkaasi iyo taliyaha qeybta Asluubta u gudbiyey madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay  in guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale iyo taliyaha qeybta Asluubta ee gobolkaasi ay ku takri falayaan awooda iyo sharciyadda mas’uuliyadeed ee ay leeyihiin.

Sidoo kale warqadda ayaa lagu sheegay in labadooda ay awood ku sii daayeen maxaabiis dambiyo kala duwan ugu xirnaa xabsiga Beledweyne.

Taakoy oo warqadaan u diray madaxweynaha maamulka HirShabelle ku xigeenkiisa ayaa waxaa kaler oo uu ku sheegay in guddoomiyaha gobolka iyo taliyaha ciidanka Asluubta ay faragelin ku hayaan hay’adaha garsoorka gobolka Hiiran ee bartamaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu ka digay amni darro uu sheegay inay ka dhalan karta, haddii ay sii socoto deysmada maxaabiista u xiran maamulka.

Halkaan hoose ka khriso:

 

Ugu dambeyn Qoraalka ayaa laga digey amni darro ka dhalan karta hadii qof dambiile ah la siidaayo,iyada oo la adeegsanayo awood Maamul.

Weli Eedeyntaan loo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale iyo Taliyaha qeybta Asluubta Gobolka Hiiraan kama jawaabin.