26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Dad badan oo isku laayey Galgaduud iyo Qoor Qoor oo wasiirradiisa u kaxeystay Baxdo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Maleeshiyaad ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa saakay intii aan la tukan salaadda Ciidda waxay weerar ku qaadeen rag Geelley ah oo ka soo jeeda Beesha Sacad, kuwaas oo isugu tegay tuulo u dhow deegaanka Gelinsoor ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Arrin musiibo ah ayaa ka dhacday halkaas, waxaana goobtaas lagu dilay 9 qof, halka 12 kale lagu dhaawacay, ragga la laayey ayaa ka soo jeeday beesha Sacad.

Farxadii ciidda ee maanta waxaa dadka ay saameysay musiibadaas ay ugu bedeshay maalin murugo, waxaana aaggaas ka dhacay dagaalo goos goos ah oo maleeshiyaadka labada beelood ee walaalaha dhex-maray.

Beelaha Mareexaan iyo Sacad waxaa muddo dheer ka dhaxeeyey dagaal aano qabiil ah, kuwaas oo lagu guul dareystay in la joojiyo oo xal waara laga gaaro.

Dhanka kale, maleeshiyaad ka soo jeeda isla beesha Mareexaan ayaa saakay weeraray deegaano ay deganaayeen qoysas ka soo jeeda beesha Dir, iyagoo gubay baraago, guyo iyo dhul daaqsimeed.

Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan oo maanta xoog ku qabsaday tuulooyin iyo dhul miyi ah oo beesha Dir ay ka deganeyd, waxaana la sheegay in caawa ay kaabiga u saaran yihiin deegaanka Qalaan-qale ee gobolka Galgaduud oo ah halka ay wada degan yihiin beelaha Saleebaan, Cayr iyo Dir.

Dhinaca kale, maleeshiyaad ka soo jeeda beesha Duduble ayaa caawa deegaanka Galqoryaale ee gobolka Galgaduud oo hoos taga degmada Ceelbuur ku dilay wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda beesha Cayr.

Gobolka Galgaduud intiisa badan waxaa caawa ka jirta xaalad colaadeed oo u dhaxeysa beelaha, waana mid kamid ah musiibooyinka aan weli xalka loo helin, sidoo kale waxaa muuqata in maamullada ay ka gaabiyeen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo inta badan wasiirrada Galmudug ayaa habeenkii labaad ku sugan degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, mana jiraan wax dhaqdhaqaaq ah oo maamulku ku joojinayo dagaallada beelaha ee ka socda gobolka Galgaduud.

- Advertisement -

Read more

Local News