Dad badan oo Somaliland ugu geeriyooday COVID-19

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in dad gaaraya 79-qof laga helay cudurka Coronavis, kuwaasi oo lagu xaqiijiyey baaritaanadii u dambeeyay ee laga sameeyay deegaanadaas.

Covid-19 ayaa markale si weyn ugu soo labo-kacleeyay deegaanada Somaliland, ayada oo laga deyrinayo xawliga faafistiisa, waxaana maalmihii u dambeeyay lasoo warinayaa in dad hor leh cudurkaas ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Boorama.

Iskuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu faro ba’an ku hayo gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, isagoona sheegay in dadka u geeriyooday ay u badan yihiin waayeel.

“Waxaad mooda in usoo kordhayo inta dambe gobol ahaan, gaar ahaan degmada Boorama oo caasimada gobolka ah, xaalada ahaan waxaa joogna waqtigii ugu cuslaa, iyada oo cidna waqtigeeda dhaafeyna haddana dhimashadu wey nagu badan tahay oo uu sabab u yahay Covid-ku, waana dadka waaweyn,” ayuu yiri Dr. Mustafe Muumin Muuse.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka uu soo ritay ee ugu geeriyooday magaalada Boorama cudurkaan ay u badan yihiin dadka waaweyn ee qaba xanuunada gaar ah, wuxuuna ugu baaqay bulshada inay qaataan tallaalka cudurka oo kal hore la gaarsiiyey Somaliland.

Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa waxa uu faro ba’an ku hayaa Somaliland tan iyo markii uu dalka kusoo labo kacleeyay, waxaana guud ahaan cudurka laga helay 4,267-qof, halka ay u geeriyoodeen 269-qof, ilaa hadda inta la ogyahay.