Dad isku qoys ahaa oo ku dhintay hoobiye, kadib weerar xalay ka dhacay…

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaadeen deegaanka Biyo Cadde oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin gudaha deegaankaaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay dhankooda ku jawaabeen tiro madaafiic ah, kadib weerarka lagu soo qaaday.

Hoobiyeyaasha ka yimid dhanka Al-Shabaab ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen guryo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ah dad isku qoys ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay howlgallo ka bilaabeen halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey xoogaga Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan Shabeelaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyey weerarkii dhowaan lagu qaaday saldhig ciidanka Burundi ay ku leeyihiin Ceel Baraf, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.