Dad isku qoys ahaa oo xalay lagu dilay Jubbada Hoose

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayao gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar qorsheysan ka geysteen deegaanka Diif oo hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Maleeshiyaadka ayaa la dilay laba qof oo shacab ah, kana mid ahaa dadka deegaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sidoo kale labada qof ee la dilay ay ahaayeen isku qoys, waxaana dilkooda loo sababeynayaa aano Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Sidoo kale xaaladda deegaanka ah ayaa haatan aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xiisad ka dhalatay dilalkaasi ay ka taagan tahay duleedka Kismaayo.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Jubbaland ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxaana howlgallo lagu baadi goobayo maleeshiyaad dilka geystay ay ka wadaan halkaasi.

Diif ayaa waxaa maalmihii ka taagnaa xiisad colaadeed oo u dhexeysa laba maleeshiyaad oo wada deegaankaasi, waxayna saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah.

Colaadan kasoo cusboonaatay Jubbaland ayaa kusoo aaday, xilli adag oo ay abaaro daran ka jiraan maamulkaasi, taas oo saameysay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Si kastaba, Jubbaland oo tallaabo qaaday, si loo qaboojiyo xiisadda ayaa maalmo ka hor Dhoobley ku xirtay odayaal dhaqameed kasoo jeeda deegaanka lagu dagaalamay oo illaa iyo hadda lagu dilay dad kor u dhaafaya illaa 10 ruux oo ay ku jiraan dad rayid ah.