25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Dad ka soo jeedo Koonfur Galbeed oo aano qabiil loogu haysto Gaalkacyo

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dad shacab ah oo lagu xir-xiray waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dadkan oo tiradooda ay gaareyso illaa 12 qof ayaa loo haystaa arrimo la xiriira aano qabiil, gaar ahaan dil horay uga dhacay gudaha magaaladaasi.

Cabdisataar Xasan Cali oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay falkan, wuxuuna sheegay in dadka la haysto ay isugu jiraan ganacsato iyo nabadoonno kasoo jeeda Digil iyo Mirifle, ayna aad uga xun yihiin sida loola dhaqmay.

Siyaasigan oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa sheegay in si arxan darro ah loola dhaqmay dadka xiran, isaga oo xusay ‘inay haysato Beesha Cumar Maxmauud’.

“Waxaa magaalada Gaalkacyo lagu xiray 12 qof oo reer Koonfur Galbeed ah oo si naxariis darro ah loola dhaqmay oo silis lugaha looga xiray oo xitaa joodari iyo salli ay ku seexdaan aan la siinin, waxayna isugu jiraan ganacsato iyo nabadoonno ” ayuu yiri Cabdisataar Xasan Cali.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ” Sida naloo sheegay waxaa dadkaas haysta jufo kamid ah Beesha Cumar Maxamuud, Puntland hadii ay beelo tahayna hanaloo caddeeyo, hadii aan nahay siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed, haddii ay maamul tahayna hanaloo caddeeyo”.

Cabdisataar ayaa sidoo kale ka hadlay waxa loo haysto dadkaasi kasoo jeedo Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay inay tahay diyada nin horay looga dilay jufo kamid ah Beesha Cumar Maxamuud, waxaase uu tilmaamay in loo baahnaa in si hoose looga wada-hadlo.

“Sababta waxaa waayey laf la yiraahdo reer Qalaf oo Cumar Maxamuud ka tirsan ayaa nin laga dilay ninkii muddo ayaa dilkiisa kasoo wareegatay dadkii dilay ayaa waxaa la yiri diyadii bixiya marka diyo iyo waxyaalahaas inta la fariisto aa laga wada-hadlaa oo si nabad ah ayaa loo wajahaa oo diyo ama heshiis lagu kala qaataa” ayuu markale wareysiga ku yiri.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, isaga oo ka dalbaday in si deg dega ah uu usii daayo dadkaasi oo ku xiran xabsi ku yaal Gaalkacyo.

“Dowladda Puntland waxaan ka codsanayaa, gaar ahaan madaxweyne Saciid Deni in arrintan uu soo farogeliyo, si deg deg ahn loo sii daayo dadkaasi” ayuu yiri Cabdisataar.

Arrintan ayaa dhalisay carro xooggan kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay sawirada 12-ka qof oo lugaha looga xiray katiinad, isla markaana lagu haysto waqooyiga Gaalkacyo.

- Advertisement -

Read more

Local News