25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Soomaaliya oo ka laabatay xayiraaddii Taiwan kadib cadaadis uga yimid dal kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka laabatay xayiraaddii ay horay ugu soo rogtay baasaboorka Taiwan, taasoo hor istaagtay safar uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan ku tagi lahaa Somaliland.

Troy Fitrell, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa arrintan ka sheegay Golaha Senate-ka oo uu dhawaan hortagay, isagoo muujiyay in Washington ay ku qanacsan tahay go’aanka cusub ee dowladda Soomaaliya.

Wuxuu caddeeyay in Soomaaliya markale aqbashay baasaboorka Taiwan, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo lagu ixtiraamayo xidhiidhka caalamiga ah.

“Waan ku faraxsanahay in dowladda Soomaaliya ay ka noqotay amarkii xayiraadda, isla markaana ay billowday inay markale ixtiraamto baasaboorka Taiwan,” ayuu yiri Fitrell.

Fitrell ayaa carabka ku adkeeyay in waddan kasta oo isku dayaya inuu faragelin ku sameeyo xiriirka Taiwan uu dirayo fariin muujinaysa in aanu danaynin la macaamilka dunida xorta ah. Wuxuu sidoo kale xusay in tallaabooyinka noocaas ah ay khatar gelin karaan xiriirka ay dalalkaasi la leeyihiin Maraykanka, isaga oo si cad ugu digay waddamada arrintaas ku kacaya.

Isagoo sii hadlayay, wuxuu sheegay in Taiwan ay tahay xubin mas’uul ah oo beesha caalamka ka tirsan, isla markaana uu xiriirkeedu yahay mid muhiim ah. “Waxaa jira waddamo Shiinaha u habranaya oo Taiwan dhibaataynaya. Sida ay Taiwan ula dhaqmaan waxay noo diraysa fariin sheegaysa inaysan wax tar u lahayn dunida xorta ah.”

Xildhibaanno Mareykan ah ayaa dhankooda si gaar ah u xusay in taageerada uu Shiinaha siiyo Soomaaliya ay si toos ah u taabanayso danaha Somaliland, oo ay ku tilmaameen saaxiib muhiim ah. Waxay su’aal ka keeneen in Maraykanku uu waqtigii uu xiriir toos ah la yeelan lahaa Somaliland uu soo dhowaaday, si looga hortago ballaarinta saameynta Shiinaha ee gobolka.

Fitrell ayaa intii kulanka socday ka dhawaajiyay in Maraykanku diyaar u yahay inuu la shaqeeyo cid kasta oo ka mid ah dalalka u heelan inay la macaamilaan dunida xorta ah.

Si kastaba, arrintan ayaa imanaysa xilli xayiraaddii ay Soomaaliya saartay baasaboorka Taiwan ay keentay dhaleecayn gudaha Kongress-ka Maraykanka, halka diblumaasiyiin ka ag dhow maamulka Trump ay xuseen cawaaqibta ka dhalan karta arrintaasi, oo uu si weyn usoo dhaweeyay Shiinaha.

- Advertisement -

Read more

Local News