Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa lagu wadaa inuu Axadda maanta ah tago magaalada Baydhaba, xilli ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira cidda hoggaamin doonta maamulka Koonfur Galbeed kadib isbeddelladii xoogganaa ee dhacay.
Safarka Aadan Madoobe ayaa kusoo beegmaya xilli Villa Somalia ay dadaal xooggan ku bixineyso qaabeynta hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu xilka ka degay 30-kii Maarso, maalmo kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay galeen Baydhabo.
Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in Aadan Madoobe loo diyaarinayo inuu noqdo musharraxa ugu culus ee xilka Koonfur Galbeed, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulkaas ay u arkaan musharrax ay dhabarka ku wado Villa Somalia.
Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhaba ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo dowladda federaalka ay saameyn xooggan ku leedahay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bishan horraanteed ku-xigeenkiisa Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi u magacaabay hoggaamiye ku-meel-gaar ah oo Koonfur Galbeed ah, si uu maamulka u sii wado inta doorasho laga qabanayo.
Siyaasiyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Aadan Madoobe loo arko guuleyste lasii saadaalinayo, maadaama uu haysto taageerada xarunta federaalka iyo garab ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka.
Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qanciyey agaasimihii hore ee Villa Somalia, ahaana saaxiib aad ugu dhow, Xuseen Sheekh Maxamuud inuu tratnka uga haro Aadan Madoobe, ayada oo si kale loo qanciyey.
Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo dalacsiiyay inuu si rasmi ah u noqdo Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).
Dhaq-dhaqaaqa Baydhaba ayaa dhanka kale kusoo aadaya xilli Villa Somalia iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ay weli ka gaabsanayaan isku-shaandheyn ballaaran oo muddo la hadal hayey.
Bishii Maarso, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sameeyay isbeddello kooban, oo ay ku jireen xil ka qaadis iyo magacaabista wasiirro ku-xigeenno cusub, balse weli lama shaacin wareegto ballaaran oo taabaneysa wasiirrada miisaanka leh.
Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in qaar ka mid ah wasiirrada hadda xilalka haya ay wajahaan suurta-galnimada in mar kale loo wareejiyo wasaarado kale ama loo magacaabo xilal cusub, taasoo sii muujineysa wareegga siyaasadeed ee xukuumadda Xamsa Cabdi Barre.
Dhaq-dhaqaaqyada Baydhaba iyo hakadka ku jira isku-shaandheynta xukuumadda ayaa muujinaya in Villa Somalia ay hadda mudnaanta siineyso xakameynta siyaasadda Koonfur Galbeed, kahor inta aysan qaadin tallaabooyin kale oo gudaha xukuumadda ah.

