Madrid (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabtay inay “ciqaabi doonto” xulafadeeda gaashaanbuurta NATO, sababo la xiriira taageero la’aantooda ku aaddan dagaalka Iiraan, iyadoo ka fakaraysa tallaabooyin adag oo ay ka mid tahay in dalka Spain laga saaro isbaheysiga.
Sida lagu arkay farriin (email) gudaha ah oo ka soo baxday xarunta Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, xukuumadda Washington ayaa diyaarisay qorsheyaal dhowr ah oo ay cawaaqib-xumo ugu geysaneyso xulafadeeda.
Tallaabooyinka laga fiirsanayo waxaa ka mid ah in Mareykanku uu aqoonsado sheegashada dalka Argentina ee ku aaddan jasiiradaha Falkland (Falkland Islands)—oo ay xukuumadda Buenos Aires u taqaano Las Malvinas—si loo ciqaabo Ingiriiska, iyo sidoo kale in waddamada “madax-adeyga” muujiyay laga hor istaago inay qabtaan jagooyinka muhiimka ah ama sharafta leh ee gudaha gaashaanbuurta NATO.
Madaxweyne Donald Trump, oo muddo dheer dhaliilsanaa wax uu u arko dheellitir-la’aan awoodeed oo u dhaxeysa Mareykanka iyo xubnaha kale ee NATO, ayaan qarin carada uu ka qabo sida Yurub ay uga soo horjeeddo dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan. Horraantii bishii Abriil, wuxuu ku celiyay hanjabaaddiisa ah inuu Mareykanka ka saari doono isbaheysiga, inkastoo farriinta Pentagon-ka aysan soo jeedinayn in tallaabadaas la qaadayo xilligan.
Dalka Spain ayaa ahaa dalka ugu cadcad ee sida weyn u dhaliilay dagaalka lagu qaaday Iiraan, isagoo bilowgiiba ku dhawaaqay inuu yahay mid sharci-darro ah, isla markaana u diiday Mareykanka inuu isticmaalo saldhigyadiisa milateri iyo hawadiisa si uu uga fuliyo hawlgallada dagaalkaas.
Farriinta Pentagon-ka ayaa labadaas arrimood ku sifeysay inay yihiin “aasaaska ugu hooseeya ee laga rabo xubnaha NATO” marka la eego in dalalku ay gutaan waajibaadkooda iyo doorkooda isbaheysiga.
Maalintii Jimcaha, Spain ayaa si kulul uga jawaabtay warbixinnadan, iyadoo Ra’iisul Wasaare Pedro Sanchez uu caddeeyay in dalkiisu uu si buuxda u gudanayo dhammaan waajibaadkii saarnaa.
“Spain waa xubin lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan NATO, taas oo fulinaysa dhammaan waajibaadkeeda,” ayuu Sanchez u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan dalka Qubrus oo uu kaga qaybgalayay shir madaxeedka Midowga Yurub. “Sidaas darteed, gabi ahaanba kama walaacsani arrintan,” ayuu sii raaciyay.
Sidoo kale, Isbahaysiga NATO ayaa sheegay in aysan jirin qodob u oggolaanaya in waddamada xubnaha ka ah laga joojiyo ama laga eryo isbaheysiga milatari.
Sarkaal ka tirsan NATO ayaa u sheegay BBC-da in heshiiskii lagu aasaasay isbaheysiga “uusan dhigayn wax qodob ah oo loogu talagalay joojinta xubinnimada NATO, ama ka saarid ah”.
Dhanka kale, diidmada Ingiriiska ee dagaalka Iiraan ayaa ahayd mid ka yara dabacsan tii Spain, maadaama ay u oggolaadeen diyaaradaha Mareykanka inay adeegsadaan saldhigyada Ingiriiska, balse haddana Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa soo jiitay carada Trump.
Madaxweynaha midigta-fog ee Argentine, Javier Milei, oo xulufo dhow la ah Trump, ayaa dhowr jeer sheegay inuu taageersan yahay in jasiiradaha Falkland ay hoos yimaadaan maamulka dalkiisa.
Jasiiradahan ayaa waxaa xoog ku galay Argentine sanadkii 1982-kii, arrintaas oo dhalisay dagaal dhexmaray labada dal oo sababay dhimashada ku dhawaad kun qof. Dhulkaan ayaa illaa iyo hadda ku hoos jira maamulka Boqortooyada Ingiriiska.
Wargeyska Middle East Eye ayaa la xiriiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska si ay uga hadlaan farriinta Pentagon-ka iyo jawaabta ay bixin karaan haddii tallaabadan la meelmariyo.
Wasaaradda ayaa tixraacday qoraal uu barta X soo dhigay Wasiiru-dowlaha dhulalka dibadda ee Ingiriiska, Stephen Doughty, kaas oo sheegay in “aaya-ka-tashiga, madax-bannaanida iyo difaaca jasiiradaha Falkland ay tahay mid aan gorgortan geli karin – mar walbana ay noqon doonto mudnaanta koowaad.”
Si kastaba ha ahaatee, kama aysan hadlin sida ay dowladda Ingiriisku uga falcelin doonto tallaabada suurtagalka ah ee Mareykanka.
Markii wakaaladda wararka ee Reuters ay wax ka weydiisay farriintaas, Afhayeenka Pentagon-ka Kingsley Wilson ayaa yiri: “Sida uu Madaxweyne Trump sheegay, inkastoo Mareykanku uu wax kasta u sameeyay xulafadeena NATO, haddana garab nama aysan siin. Waaxda Dagaalku waxay xaqiijin doontaa in Madaxweynuhu uu helo xulashooyin la isku halleyn karo, si loo hubiyo in xulafadeenu aysan mar dambe ahaanin magac-u-yaal oo keliya, balse ay qaataan doorkooda dhabta ah. Ma hayno faahfaahin intaas dhaafsiisan oo ku saabsan wada-tashiyada gudaha ee arrintaas la xiriira.”

