Dad la soo qab-qabtay dilkii marxuum Faarax Diir Cabdi

Beledwyene (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cabdi Muumin Cilmi ayaa faah faahin ka bixiyey howl-gallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen magaaladaasi, kadib dilkii xalay loo geystay guddoomiyihii ururka dhalinyarada gobolkaasi, Marxuum Faarax Diir Cabdi, kaas oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Muumin ayaa shaaca ka qaaday in tiro dad ah oo tuhun-sanayaal ah loo soo qabtay dilka loo geystay guddoomiyihii hore ee ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan dadka lasoo qabtay ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, kuwaas oo lagu xiray saldhigga Beledweyne.

“Mar haddii uu shil meel ka dhaco waxaa loo soo qabtaa cid walbo oo laga shakiyo, balse baaritaanka ayaa lagu kala saaraa, wayna jiraan dad loo soo qab-qabtay dhacdadaasi oo tuhun-sanayaal ah ,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Muumin.

Allaha u naxariistee Faarax Diir ayaa maanta aas loogu sameeyey gudaha magaalada Beledweyne, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin kala duwan iyo boqolaal dadweyne ah.

Dilka loo geystay marxuumka ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Beledweyne ayaa waxaa sidoo kale ay ka mid tahay meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, waxaana jira walaac xoogan oo haatan laga muujinayo amniga guud ee magaaladaasi oo faraha ka sii baxaya.