25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dad loo xirxiray qarixii Baladweyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baladweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya howlgallo lagu laga sameeyay xaafadaha magaalada in lagu qabqabtay dhowr qof oo ay ku jiraan odayaal, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in wax la maleegeen weerarkii Baladweyne.

Mid ka mid ah saraakiisha ammaanka magaalada Baladweyne ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la soo qabtay ay ku socoto baaritaan.

Magaalada wali waxaa ka socda howlgallo lagu soo qabqabanaayo dadkii ka dambeeyay weerarkii Baladweyne.

Ma jirto ilaa hadda koox sheegatay wararkii Baladweyne oo uu fuliyay ruux ismiidaamiyay.

Waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada Baladweyne gaar ahaan xarumaha maamulka iyo goobaha ciidamada shisheeye ay ku sugan yihiin.

Caasimada Online

Caasimada Online Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News