Maamulka Gobalka Hiiraan oo ka soo horjeestay shir Nairobi ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka gobalka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay qoddobadii ka soo baxay shir looga hadlaayay maamul u sameenta gobalada dhexe oo ka dhacay Nairobi.

Guddoomiyaha xilkiisa uu dhammaaday ee gobalka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay ka shakisan yihiin qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, kuwaasoo shirar kala duwan ka wada magaalada Baladweyne iyo magaalada Nairobi.

Wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in wafdi uu hoggaaminaayo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo xildhibaanno ay hadda ku sugan yihiin Baladweyne halkaasna ay ka wadaan siddii maamul cusub oo dadka ay soo doortaan looga sameen lahaa gobalka Hiiraan.

Sidaas oo ay tahay haddana wuxuu yiri waxaa kaloo jirra xubin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha in uu ka qaybgalay shir ka dhacay Nairobi, oo looga hadlay maamul u sameenta gobalada dhexe, isla markaana uu akhriyay warsaxaafadeedkii ka soo baxay shirkaas.

“Wasaaraddu waxaa looga baahan yahay in ay kala cadeeso gacanteeda midig iyo mida bidix wax yaabaha ugu jirra, waayo maxaa keenay in labo shir ay ku qabto Baladweyne iyo Nairobi, annaga kama qaybgalin shirkaas” ayuu yiri Laqanyo.

Wuxuu yiri “Reer Hiiraan ma ahan dad ka soo horjeeda dastuurka iyo dowladnimada balse ma dooneyno in wax yaabo aan la fahansaneen loo keeno”

Si kastaba, magaalada Baladweyne waxaa ka socday shirar looga hadlaayo maamul u sameenta gobalka Hiiraan maadama maamulkii hore uu waqtigiisa dhammaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com