DEG DEG: Qarax Khasaaro geestay oo goor dhow ka dhacay magaalada…

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in qarax goordhow uu ka dhacay degmada Janaalle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay in ka badan toddobo kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Qaraxa oo ahaa miino nooca rumuudka ayaa la sheegay in uu ka dhacay goob ay joogeen dadweyne fara badan.

Waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo gurmad u fidinayay dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxa qaraxa ka dhacay degmada Janaale, waxaana wararka ay lee yihiin haweeney ayaa qaraxa  wadatay mana cadda in ay ka mid ahayd dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Wixii ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online.