Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa Maanta ka furmay, shir loogu magac daray aayaha Gobolada Dhexe, kaas oo lagu wado in lasu soo dhiso Maamul ay u dhan yihiin Bulshada Gobolada dhexe ee dalkeena Somalia.
Ujeedka ayaa ah in Shirkan Muddo laba Cesho ah uu ka socdo magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya , waxaana ka qeyb galayaasha Kulankaas qeyb ka ah Maamulada Galmudug, Ximin & Xeeb iyo wefdi heer Caalami ah, oo ka socda deeq bixiye-yaasha.
Shirkan, Waxaa Soo qaban qaabiyay Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia, waxaana uu daba socdaa Shir bishii June, ay Wasaarada Arrimaha Gudaha ku qabatay Magaalada Caasimada ah Muqdisho.
Dhamaan xubnaha ka qaybgalaaya shirkaan, ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan aayaha Gobolda dhexe ee dalka oo uu ujeedka Shirkaasi uu yahay iyo qaabka ugu macquulsan ee Bulshada Goboladaas loogu sameyn karo maamul ay u siman yihiin , iyadoo lagu saleynaayo Nidaamka Federalism-ka ee Soomaalidu, ay qaadatay.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko”, oo ka hadlay shirkaan, wuxuu sheegay in isu imaatinkoodaan, ay ku doonayaan Maamul mideysan, oo ay yeeshaan dadka degga Gobolada Dhexe.
Dowlada Somalia ayaa inta badan lagu dhaliilaa habka ay u wajahdao nidaamka Federalism-ka ee dalka inkastoo dowladu ay tilmaameyso in wali aan la gaarin go’aan ka qadashada iyo eedeynta Nidaamkaas, isla-markaana loo baahan yahay in laga warsugo wax qabadka dowlada Somalia ayna ka go’antahayy hirgalintiisa.
Caasimada online
Xafiiska Nairobi

