Dad looga shakiyey Covid-19 oo la dhigay isbitalka Barawe

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay tiro dad ah oo looga shakiyey cudurka Coronavirus la dhigay isbitaalka magaalada Baraawe ee gobolkaasi.

Agaasimaha isbitaalkaasi Dr. Cabdulaahi Cabdiraxmaan Nuuraane oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dadkaasi oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ay qaabileen lagu arkay caalamado aad u eg, kuwa uu leeyahay xanuunka COVID-19.

Dhaqtar Nuuraane ayaa xaqiijiyey in hal qof oo ka mid ah dadkaas uu ku geeriyooday isbitaalka, islamarkaana ay arrintaas sii kordhisay walaaca ay ka qabaan cudurka Coronavirus, isago oo sheegey in maalin walibo ay qaabilaan dad gaaraya 25 illaa 30 qof.

Sidoo kale agaasimaha isbitaalka magaalada Baraawe oo hadalkiisa si wata ayaa shaaciyey in aysan heysan qalabkii loogu talagalay xakameynata cudurka Covid-19.

Ugu dmabeyn wuxuu ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah.

Qeylo dhaantaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo uu haatan dalka ku sii baahayo cudurka Coronavirus, kaas oo kiisaska la xaqiijiyey ay gaarayaan ku dhowaad 500 oo qof.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.