25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

“Dadka Baay iyo Bakool waa lagu ciqaabaa P/L”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in deegaanada Puntland lagu waxyeeleeyo dadka kasoo jeeda gobolada Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in dadka kasoo jeeda Baay iyo Bakool dhibaatooyin badan in loogu geysto deegaanada Puntland, waxii ka dambeeyay dagaaladii bishii Maarso ka dhacay deegaanada Puntland.

Xildhibaan Afaraale iyo Xildhibaan Axmed Xaaji oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney jiraan dad badan oo Puntland u xiratay dagaaladii dhawaan ka dhacay halkaasi kuwaasi oo aan waxba kala socon dagaalada dhacay iyo abaabulkoodaba.

Madaxweynaha Puntland ayay sheegeen iney ka dalbanayaan inuu wax ka qabtaa dhibaatada dadka kasoo jeeda Baya iyo Bakool loogu geysanayo deegaanada maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News