Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegay in xaafadaha magaaladaasi ay ka taagan tahay Cabsi lixaad leh.
Wararku waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka Daacishta Somalia ay dhalinyaro farabadan ka diiwaan gishteen Magaalada Qandala.
Mid kamid ah dhalinyarada deegaanka ku ah Qandala ayaa xaqiijiyay in Saacadaha kooban ee Kooxda ay ku sugnaayen Qandala ay diiwaan gishteen dhalinyaro kabadan 30 kuwaasi oo laga qoray masaajida.
Waxa uu sheegay in xitaa dadka la diiwaan galiyay ay kamid yihiin Odayaal kuwaasi oo loo xushay fidinta dacwada iyo fekerka Daacish.
Dadka deegaanka ayuu sheegay inay galeen jawi cabsi leh kadib markii qoys waliba ay cabsi ka qaaden diiwaan galinta Carruurtooda.
Dadka ayaa ah kuwo ka cabsi qaba in wararkooda loo gudbiyo Daacishta Somalia, taa oo ah ujeedka ugu weyn oo ay Daacishta Somalia u qorotay dhalinyarta.
Jawiga Qandala ayaa iminka ah mid degan waxaana la sheegayaa inuu jiro cabsi ku aadan in maleeshiyada ay weerar ka fuliso deegaanka ama ay kusoo rogaal celiso.
Docda kale, waxaa deegaanka Qandala ku wajahan ciidamo ka tirsan maamulka kuwaasi oo Saldhigyo ka dhigan doona deegaankaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

