Warbixin: Dadka Muqdisho oo saaka ku soo waaberiistay howgallo culus

Muqdisho (Caasimada Online) Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho, ayaa soo sheegaya in magaalada saakay ay ka socdaan howgallo dad badan lagu qabqabtay.

Howgallada ayaa ka socda degmooyinka Wada-jir, Dharkeenley iyo Hodan, waxaana halkaas lagu arkayaa ciidamo fara badan oo gurri gurri u galaya.

Sidoo kale waxa ay wararka sheegayaan in dadka laga qabqabanaayo waddooyinka iyo xittaa gaadidka dadweynaha ee adeegsada degmooyinkaas.

Ilaa hadda ma cadda howgallada saakay ka socday qaar ka mid ah magaalada Muqdisho, balse waxaa la sheegayaa in ay daba socdaan howgallo maalmahan ay ciidamada ammaanka ka sameenayeen magaalada Muqdisho, kuwaasoo looga gun lee yahay in lagu xaqiijiyo ammaanka caasimad a oo hadda u muuqda mid faraha ka baxay.

Howgallada Muqdisho ka socda ayaa lagu soo warramayaa in ay saameyn ku yeesheen isku socodka dadka iyo gaadidka, waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo goobaha waxbarashadda.

Warar dheeraad ah kala soco Caasimada Online in shaa Allah