Dhageyso: Mungaab: Muqdisho Bur & Biyo ayaa loo kala bixi doonaa eebow”

Muqdisho(Caasimada Online) Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamuud Xuseen (Mun-Gaab) ayaa sheegay in uu dhawaan deggi doono goobaha ugu ammaanka daran magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayuu Gen Mungaab ka sheegay kulan maanta ka dhacay Hotel City Palaza oo lagu soo dhaweenayay xilka loo magacaabay

“Anniga maha aan daganahay waa la yaqaanaa waa Sanca, haddana maha waa kaga guuraa oo waxaan dagayaa meelaha bahalagaleynka ah, Waraabe Godkiisa ayaa la dagaa, siddaas darteed Wasiir ii jiifanaya Hotel Plaza ma jirro ha ogaadaan gaar ahaan kuwa sheegta in ay ka soo jeedaan gobalkan Banaadir” ayuu yiri Mungaab.

Gen Mungaab ayaa sheegay in maamulkiisa in uu dhageysan doono shacabka iyo madaxda dowladda sidda uu yiri.

“Maamulkeyga haddii aad ka dhabeesaan taageerada aad sii seen, waxaan idiin ballan qaadayaa in gobalka loo kala bixi doono Bur iyo Biyo” ayuu yiri.

Waxaa kulanka sidoo kale kale wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda kuwaasoo sheegay in Gen Mungaab uu yahay qofka ku haboonaa in loo magacaabo gobalka Banaadir.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, kaasoo sheegay in guddoomiyaha cusub looga fadhiyo siddii uu wax u qaban lahaa ammaan darida ka jirta magaalada.

Si kastaba, Gen Xasan Maxamed Xuseen (Mun-gaab) ayaa xilkan loo magacaabay 25-kii bishii horre ee Febraayo waxaana lagu badalay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo xilkaas hayay tan iyo bishii July ee sannadkii horre.

Waxaa hor yaalla guddoomiyaha cusub arrimo badan oo ay ka mid tahay in uu wax ka qabto ammaanka sii xumaanaya caasimada.

Halkan ka dhageyso Muungaab

120227_003

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com