Sirta dowladda & suuqyada Muqdisho

Nin aan Saaxiibo nahay ayaa maalin maalmaha ka mid ah oo aan sidaa u fogayn iga Hor yimid, kaas oo ay muddo isugu kaaya dambeysey wuxuuna hadal iiga bilaabey “Saaxiibow Dowladaan Sirteeda Suuqayada Magaalada ayey iska yaalaan” markaas baan iri”oo Maxaa dhacay “markaasuu yiri” Doorashadii Xasan Shiikh markii ay Laba Bilood ka soo wareegtety ayaa waxaa la ii sheegey in Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab ) laga dhigayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho marka waa yaabee Dowladu Sir u qarsoon ma leh miyaa?” markaas baan ku iri “ Sida aad u maqashey baan aniguna u maqley mar hore “ waa uu sii hadlay wuuuna yiri “ inta aan la magacaabin Muun-Gaab ayaa Amiin caamir Boggiisa Amin Arts waxaa uu ku soo badhigey Kartoon uu ku muujinayo in Muun-Gaab laga dhigayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho” markaasuu I yiri” Saaxiibow Runta ii sheegey ma Amiin Caamir baas oo bandhigey “ markaas baa ku iri “ Haa “ inta uu Madaxa qabsadey ayuu yiri “ Aleylehe hadda ayaa Ceeb Dhacdey” waxaan ku iri “Muun-Gaab baad Sheegeysaa ee dhacdooyin badan oo Sirta Dowlada ayaa laga maqley Suuqayada Magaalada Muqdisho “ markuusuu yiri” oo maxaa ka mid ah” hadaan kuu sheego waad yaabeysaa “

16_FEB_2014Aan dib u qooraansano Dhacdooyinka kale ee Sirta Dowladda ee laga heley Suuqayada Magaalada Muqdisho markii loo ololeynayey Magacaabista Ra’iisul Wasaarahii Koowaad ee Dowladda Federaalka ee uu Hogaamiyo Xasan Shiikh Max’uud waxay dadka isla dhexmarayeen in Ra’iisul Wasaare laga dhigayo Cabdi Faarax Shidoon Saacid, waxaa ka sii yaab badnaa in Suuqayada Muqdisho laga maqley in Xukuumada laga dhigayo Toban Wasiir taasina aysan cidna ka qarsooneyn, waa tii Xukuumadii laga dhigey Toban Wasiir , sirta kale ee laga heley Suuqayada Magaalada Muqdisho, waxaa ka mid ahaa markiii la maqley in Khilaaf uu u dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisul Wasaare Saacid, waxaa ka sii darnaa in Suuqayada laga maqlay in Mooshin laga keenayo Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid oo Aakhirkii uu Codka Kalsoonida Barlamaanku u qaadey saasna uu ku dhacay.

Dhacdooyinka kale ee la soo Calaamadeeyey ee ku saabsan Sirta Dowlada ee laga heley Suuqayada Magaaladda Muqdisho markii Xasan Shiikh uu soo Xulayey Ra’iisul Wasaaraha Xilka haatan haya ee Cabdiweli Shiiikh waxaa uu ka mid ahaa Ragii loo saadaalaiyey in uu noqonayo Ra’iisul Wsaaraha Soomaaliya, waxaa ka sii darnaa oo sirta la heley ka mid ahaa in Dowladda laga Dhigayo 25 Wasiir, waxaa hadana la heley in labadii Heween ee ee ka midka ahaa Dowladdii Saacid meesha laga saaray, sidoo kale waxaa iyana la heley Magacyada inta badan Golaha Wasiirada oo ay ku jraan Cabdi kariim Xuseen Guuleed iyo Faarax Cabduqaadir oo aad ugu dhow Madaxwaynaha , Dhacdooyinka kale ee ku saabsan Sirta Dowlada ee laga heley Suuqada Magaalada waxaa ka mid ah, waxaa soo yeerey in Taliyaha Nabasugida laga dhigayo Jen Bashiir Maxamed jaamac (Bashiir Goobo) Sirtaas sida ay tahay ayaa loo heley.

Wareegtooyinka uu Madaxweynuhu soo saaro waxaa Xaqiiqo ah oo ka horeysa Wareegtada Bulshada ay soo saaraan ee ay ku soo Bandhigaan Suuqyada Magaalada Muqdisho ka hor intaan la shaacin, waxaana ka mid ah Dhacdooyinka ku saabsan Sirta Dowlada ee laga heley Suuqyada, Heshiiskii Dowlada Federaalka ay la gashey Axmed Madoobe inta uusan dhicin Heshiiskaas ayaa waxaa la heley in Dowladda Itoobiya ay Dhex dhexaadineyso Axmed Madoobe uuna Heshiiskaas uu Garwadeen u yahay Dowlada Faarax CabduLqaadir, waxaa ka sii yaab badan waxaa la soo geliyey Suuqa in Afhayeenka Xukuumada loo Magacaabayo Ridwaan Xaaji Cabdiweli waxaan ka mid ahaa dadkii aan rumeysan Warkaas hase yeeshee waxaa Wiish igu yeerey markii aan maqley in Ridwaan uu yahay Afhayeenka Xukuumada, kaba sii daran waxaa la isla dhex marey in meesha laga saaraayo Taliyayaasha Ciidamada oo dhan iyo Abaanduulaha Ciidamada Milatariga, dhacdadaan lagu bedelayey Taliyayashaa Ciidamada waxay ku Xoogeysatey Suuqyada, waxaana Afka Gacanta la saarey markii uu Madaxweyne Xasan Shiikh ku dhawaaqey in la badeley Dhammaan Taliyaashii Ciidamada waqtiyo iska daba dhow.

Waxaaa Suuqa la soo geliyey in Gudoomiyaha Bangiga Dhexe loo Magacaabayo Haweeney, waxaana durba soo ifbaxday in loo magacaabay Haweeney lagu Magacaabo Yusur Abraar, Aniga waxaan ka mid ahaa Dadkii arrintaas Baciidsadey waxaana dadka ku oran jirey “ Warkaas war la huba ma ahan “ balse arrinkaas ay Dhab noqdey markii uu Madaxweynuhu soo saarey wareegto uu ku magacaabayo Haweeneydaas, waxaa maalmo ka dib Suuqa soo galey in Yusur Abraar ay is casileyso oo shaqada ka tageyso, waxaan ka mid ahaa dadkii rumeysan waayey Warkaas oo aan ku iri Saaxiibadeey” hada ayaa la Magacaabey maalmo ka dibna waa is casileysaa waa wax aan la qaadan arin “ Waa tii la ogaa halkii ay ku dambeysey Dhacdadaas.”

Sirta Dowladda ee laga heley Suuqayada halkaan laguma soo Koobi karo Nin Saaxiiblkey ah ayaa yiri” Saaxiib weligaa ha beensan war Suuqa soo galey waayo ma jiraan wax u Qarsoon Dowladaan oo Sir ah, Maalmahaan waxaan maqaleyney in Dowladda Madaxdeeda ay ku dhawaaqeen in la qaadayo Dagaal, marka Dowlad sidaa u sheegeysa Sirteetda maxaa diidaya in Sirteeda ay Suuqa Taal” waxaa intaas uu ku darey “Dowladaha Aduunka marka ay ay Sirtooda banaanka Timaado oo Saxaafadda ay hesho markiiba waxay ku qasban yihiin in Barnaamjka ay wax ka badelaan taasoo ay ula jeedaan in aan Sirtooda laga helin Suuqayada,marka waxaan aad ula fajacaa mararka qaar Shirar qarsoodi ah oo ay yeeshaan Xukuumada iyo Baaramaanka in Sirtooda Markiiba la helo, waxaan weydiiyey Saaxiibkay sida loo Xafidi karo Sirta Dowladda waxaa uu ku Jawaabey.

‘Marka ugu horeysa in sirta Dowladda Suuqa taal waxaa Masuuliyaddeeda iska leh Dadka u shaqeeya kuwaas oo aad Moodid in aan wax Masuuliyad ah iska saarin, gaar ahaan marka ay timaado Qarinta Sirta Dowlada waxaa la yaab leh in Shaqsi ka shaqeya Xafiisyada Dowlada uu Saaxiibkii ama Ehelkiisa ku yiraahdo “War Ninyahow Beri Safar baan nahay waxaan u soconaa meel Heblaayo….. marka isagu Sir uma arko Safarka uu ku wehliyo Madaxda Dowlada ee waxay ka tahay in uu Saaxiibkiis ugu faano in uu safar yahay, sidoo kale Caqabadaha kale ee haysta Dowladda waxa ka mid ah iyadoo dadka oo dhan ay yihin dad inta badan ka hadla Siyaasadda hadii aad tagtid Baararka iyo Hotelada wax kale lagama hadlayo oo aan ka ahayn falaqeynta Siyaasadda Dowlada ,” Hebal baa la bedalayaa iyo Hebel ayaa Xilkaas loo magacaabayaa, 1994-tii ayaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Dowladii Jaale Max’ed Siyaad oo Adeerkay ahaa waxa uu iga soo wacay Magaalada Adis Ababa waxa uuna igu yiri “ Maalinta Talaadada Diyaarada UN-ka ee imanaysa Garoonka Muqdisho waxaa ii saaran Dukuminti Qaali ah oo Sir ah, Maandheyskow ii doon oo meel fiican ii dhig” markay oo dhowaatay Saacaddii ay Diyaaraddu soo degaysay ayaa waxaan u qalab qaatay inaan aado Garoonka Diyaaradaha si aan Adeerkay Alaabta muhiimka ah ugu soo qaado…laakiin maxaa xigey… Diyaaraddii aan ka sugayey Dukumintiga waxaa ka soo degey Adeerkay laftigiisa… Sirtu waa taas.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk