Ciidamada Amisom ee Somalia oo laga aamin baxay kadib markii la ogaaday…

Nairobi (Caasimada Online) Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaya in ciidada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya laga aamin baxay kaddib markii dhawaan uu weerar ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Afhayeenka ciidanka AMISOM, Korneel Aadan Xaamuud, ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aad looga xumaado, isagoona sheegay in aaney wadashaqeyn doonin ciidamada cusub ee loo soo wado Soomaaliya.

Ciidamadan oo ka socda Uganda ayaa lagu sheegay tiradooda 410, waxaana la sheegay in ay ku shaqeyn doonaan magaca United Nations Guard, waxaana ay hoos-tagi doonaan QM sidda ay shaaciyeen jaraa’idka ka soo baxa dalka Uganda.

Waxa ay ciidamadan ilaalin doonan xafiisyada Qaramada Midoobay ay ku lee dahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM ayaa arrintaas ku tilmaamay mid nasiib daro ah in maanta laga aamin baxo ciidanka AMISOM gaar ahaan in lakala faquuqo sidda uu yiri.

Korneel Xaamuud ayaa intaas ku daray in arrintan ay ka dhexeyso dowladda Uganda iyo Qaramada Midoobay.

“Soomaaliya waxa aan u nimad in aan caawino Soomaaliya, waana ay naga go’an tahay arrintaas,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com