Maamulka Axmed Madoobe: Heshiiska aan la galnay dowladda waa fashilmay

Kismaayo (Caasimada Online) Lix bilood ayaa ka soo wareegtay markii dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba ay heshiis ku saxiixeen xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Heshiiskaasi qeyb ahaan waxaa ku jiray in maamulka Jubba uu dowladda ku wareejiyo gegida diyaaradaha iyo dekadda, dowladduna ay maamulkaasi ka caawiso arrimo badan.

Haddaba waxaa muuqda in labada dhinac uu soo kala dhex galay xoogaa mad-madow ah.

Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ah ee Jubba, Ibraahim Xasan Cabdi (Ibraahim Baajuun) ayaa BBC-da u sheegay in aaney wareejin doonaan garoonka iyo dekadda sidda uu yiri.

“Heshiiska aan la galnay dowladda waxaa ka mid ahaa in ciidamada halkan jooga la siiyo mushaar iyo dares, balse dowladda waxaa ka muuqda in ay ka cagajiideyso, hal taa kuleyn ah ama hal shillin kama helin see marka u wareejinaa garoonka iyo dekedda, teeda kale Puntland, Somaliland iyo Galmudug garoomadooda cid ku maamusho ma jirro, maxaa keenay in la dhaho maamulka Jubba soo wareeji” ayuu yiri

Wuxuu sheegay in heshiis kasta aanu ahayn “Ayaad qur’aan ah oo aan la badelli karin, marka iyaga ayaa ka soo bixi waayay heshiiska waana u fashilmay heshiiskaas” ayuu yiri markale Ibraahim Baajuun.

Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda kama hadlin sababta uu hirgali la’yahay heshiiska ay la gashay maamulka KMG ah oo hadda ka muuqda in uu fashil ku yimid.
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com