Xog: Yaa ugu cadcad musharrixiinta u taagan doorashada maanta ee ka…..?

Baydhabo (Caasimada Online) Sidda uu soo sheegay goordhow wariyaha Caasimada Online ee magaalada Baudhabo, waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in xarunta ADC-da ay ka dhacdo doorashada maamul gobaleedka Koonfur Galbeed ee ka kooban lixda gobal.

Magaalada waxaa saakay laga daremaya qaban qaabada doorashada gaar ahaan xarunta uu shirka ka socday ee ADC-da.

Ergooyinka ku howlan dhismaha maamulka cusub ayaa sheegay in doorashada maanta ay dhaceyso, sidda ay go’aan ku gaareen.

Ilaa lix musharrax ayaa u taagan doorashada maamulka gobaleedka lixda gobalka, iyadoo Sabtidii ay soo bandhigeen wax-qabadkooda, haddii uu Musharrax kasta ku guuleysto tartanka doorashada madaxtinnimada.

Musharaxiinta, ayaa waxay kala yihiin Madoobe Nuunow Maxamed, Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geeseey),  Eng. Xasan Abuukar, Maxamed Aadan Fartoogte, Cabdulaahi Maxamed Idiris iyo Saalax Sheekh Cusmaan.

Ilo xog-galaa ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in lixda musharrax uu ugu cad-cad yahay siyaasiga Madoobe Nuunow Maxamed, oo horrey u soo qabtay xilal kala duwan.

Madoobe waxa uu soo noqday wasiirkii warfaafinta ee dowladdii KMG Allaha ha u naxariisto Cabdulaahi Yuusuf, sidoo kale dowladdii KMG Shariif Sheekh Axmed, ayuu ka soo noqday wasiirkii dastuurka, gaar ahaan xukuumadii Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Magaalada Baydhabo, waxaa shaley isaga soo laabtay wafdi wasiirro ah oo dowladda Soomaaliya ay u dirtay magaaladaas kuwaasoo la rabay in mideeyaan shirarka iska soo horkeeda ee ka socda magaalada, balse waxa ay ka soo laabteen iyagoo wax natoojo ah soo gaarin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com