Dil ka dhacay Kismaayo iyo xog cusub

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas habeenkii xaley lagu dilay qof rayid ah.

Qofla la dilay oo ah nin taksiile ah ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa ragga caanka ka ah magaalada sidda ay lee yihiin dad goobjoogayaal ah.

Kooxda dilka geesatay oo ku hubeysnaa baastoolado ayaa la sheegay in ninkan ay ku toogteen meel ku dhow gurrigiisa oo ku yaalla xaafadda Guulwade.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi Jaamac Shiikh Bishaar Axmed, laakiin lagu naaneysi jiray Jaamac Cali Jaamac, ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaalada.

Dilkan xaley ka dhacay magaalada ayaa u dambeeyay dilal taxano ah oo magaalada dhacayay maalmihii ugu dambeeyay kuwaasoo aan la aqoon cidda geesaneysa.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa markasta sheega in uu wax ka qaban doono ammaan darida kajirta Kismaayo balse afka ma dhaafsiisna hadalladaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com