DF SOOMAALIYA oo mowqif cad kasoo saartay shirarka ka socda Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aqoonsatahay maamulka KMG ah ee Jubba oo ka dhisan magaalada Kismaayo.

War-qoraal ah oo goordhow ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in dowladda in ay taageersan tahay shirarka maamul loogu sameenaayo seddax gobal oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

“Magaalada Beydhabo waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday shirar xambaarsan fikrado iska soo horjeeda, kuwaasoo mid walba sheeganayo dhisidda maamul goboleed ay yeeshaan deegaannadaasi, hadaba xukuumaddu waxey welwel ka muujineysaa habka ay u socdaan shirarkaasi iyo dhibaatada ka imaankarta” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa caddeeysay mowqifka siyaasadeed ee dowlada Federaalka ee ku aadan qaabka loo marayo dhismaha maamul ay yeeshaan goboladaasi, iyadoo la tixgelinayo waaqiciga siyaasadeed ee ka jira deegaannadaasi.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhamaan siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannadaasi iney ku baraarugsanaadaan maamul u sameeynta gobollada iyo degmooyinka si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xukuumaddu dhowreyso heshiiskii magaalada Adis’ababa ee lagu ogolaaday dhismaha maamulka KMG ah ee Jubba.

Xukuumaddu waxey sheegtay iney beegsaneyso ku dhaqanka heshiiskii Adis’ababa iyadoo dhinaca kale tilmaantay in wixii tabasho ah ee ku saabsan heshiiskan ay diyaar u tahay iney gacan ka geysato.

Ugu dambeyn xukuumaddu waxey sheegtay iney gacan ka geysanayso dhismaha maamulka Sadexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, waxeyna wasaaraddu ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannadaasi iney ka fogaadaan wax kastoo dhalin kara xasilooni darro.

Si kastaba hadalka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo la soo sheegayo in xarunta ADC-da ee Baydhabo iminka ka socoto doorashada maamulka lixda gobal ee loo dhisaayo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

Caasimada@live.com