Arag Sawirrada: Mungaab & Tarsan oo kormeeray qeybo kamid ah Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xuseen (Mun-gaab) oo uu la socda guddoomiyii horre ee gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta oo Isniin ah kormeer ku kala bixiyay qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir.

Mun-gaab iyo Tarsan ayaa tagay degmooyinka, Cabdicasiis, Shangaani, Boondheere, Waabari iyo Wardhiigleey, waxaana ay soo arkeen xaalada degmooyinkaas sidda uu ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Waxaa kaloo ay tageen labada mas’uul xarunta laga qaato warqadda muwaadinimada ee ku taalla degmada Shangaani iyagoona soo arkay qaabka ay u shaqeyso.

Afhayeenka maamulka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir uu idhihiisa ku arkay sidda ay u shaqeenayaan shaqaalaha dowladda hoose.

Muungaab-Kormeer

“Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir wuxuu soo arkay howsha uu qabtay maamulkii horre isagoona tilmaamay in meel fiican ay soo gaarsiiyeen oo wax laga qaban karo” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Wuxuu kalooo sheegay in uu soo arkay howlaha ka socota degmooyinka ay booqdeen isaga iyo guddoomiyihii horre ee gobalka  Banaadir Mudane Tarsan.

Guddoomiyaha cusub ayaa lagu wadaa in uu dhowaan xilka kala wareego guddoomiye Tarsan oo ahaa duqa Muqdisho afartii sano ee la soo dhaafay.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Gen. Mun-Gaab uu ku tago qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Muungaab-Kormeer-1

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com