30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xiliga la qabanayo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa lagu dhawaaqay xiliga la qabanayo doorashooyinka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha uu si rasmi ah u mudeeyay doorashooyinkaasi.

Jadwalka cusub ee uu soo bandhigay guddiga doorashooyinka ayaa ku cad in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa la qaban doonaa 2-da June 2026, halka doorashada Madaxweynahana loo qorsheeyey inay dhacdo 10-ka June 2026.

Sidoo kale, Guddiga Doorashooyinka ayaa soo gudbiyay isla markaana shaaciyay liiska xubnaha ku guulaystay golaha wakiilada Dawlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib markii maxkamadda sare ee dalka si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee dhawaan ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed.

Go’aankan ansixinta ah ayaa lagu gaaray fadhi ay yeesheen garsoorka maxkamadda sare qeybteeda doorashooyinka, waxaana saxiixay dhammaan xubnaha guddiga oo ka kooban 5 garsoore.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in guud ahaan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed uu ka koobnaan yahay 95 xubnood, laakiin xubnaha lasoo gudbiyay ay yihiin 92 xildhibaan, halka saddex kursi ee harsan la sheegay in ay ku xeran yihiin soo gudbintooda ururada siyaasadeed oo aan soo gudbin.

Wuxuu Guddiga Doorashooyinka sheegay in mudnaan gaar ah la siinayo in lasoo dhameystiro hay’addaha dastuuriga ah ee dalka iyo qabashada doorashooyin loo marayo hannaan sharci ah oo waafaqsan xeerarka doorashada.

Waxa uu guddigu ugu baaqay musharrixiinta, ururrada siyaasadda iyo bulshada inay ilaaliyaan xasilloonida iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada.

Doorashooyinka Koonfur Galbeed ka qabsoomay ayaa waxaa ka qeyb-galay 32 urur siyaasadeed oo u tartamay golaha wakiilada,  taasoo dhalisay muran ku saabsanaa qaabka codeynta iyo guulaha laga gaaray, aakhirkiina ay maxkamadda sare go’aan kasoo saartay.

Kuraasta golaha wakiilada oo ah 95 ayaa waxaa hoggaanka u haya ururka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo helay 51 kursi, halka kaalinta labaad uu ku jiro NPU oo helay 14 kursi.

Waxaa la filayaa in doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed ay noqon doonaan xatiijadooda kuwo la og yahay, maadaama cida kusoo baxay ay iska muuqato, wax walbana ay u dhici doonaan sida ay ku qanacsan tahay Villa Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News