DEG DEG: Madaxweynaha maamulka 6-da gobal oo la doortay (Waa kuma?)

Baydhabo (Caasimada Online) War uu goordhow soo diray Wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo, ayaa sheegaya Madoobe Nuunow Maxamed in loo doortay madaxweynaha maamul gobaleedka lixda gobal ka kooban.

Doorashada oo soo gaartay wareega seddaxaad ayaa waxaa ku guuleestay Madoobe Nuunow Maxamed oo horrey u xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii KMG ah ee soo maray Soomaaliya.

Madoobe Nuunow, ayaa hoggaamin doona maamulka lixda gobal ka kooban kuwaasoo kala ah Baay, Baaydhabo, Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ku guuleestay 44-cod wareegii seddaxaad ee doorashada maamulka loo dhisaayo lixda gobal, halka Maxamed Aadan Fargeeto uu helay 23-c0d.

Waxaa doortay Madoobe Nuunow Maxamed 73-oday dhaqameen oo ah kuwa Senatka ee uu lee yahay maamulka cusub ee loo dhisaaayo Koonfur Galbeed.

Waxaa goobta doorashada ku sugnaa xildhibaanno uu ka mid ahaa Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe” iyo xubno kale.

Dhinaca kale, waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Bakiin ee ku yaalla isla Baydhabo odayaasha ku howlan maamul ka kooban seddax gobal, waxa ay sheegeen in ay soo dhaweenayaan qoraal maanta ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasoo ahaa in ay taageersan shirka maamulka loogu dhisaayo seddaxda gobal.

Odayaasha waxaa kaloo ay sheegeen in maalinta Khamiista ay qaban doonaan doorashada maamulka seddaxda gobal oo ay u taagan ilaa seddax musharrax.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa deeggan, waxaana waddooyinka lagu arkayaa baabuuro ay ku xiran yihiin cod baahiyaal kuwaasoo taageersan doorashada maanta ka dhacday xarunta ADC-da.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com