Madoobe Nuunoow oo DF Soomaaliya runta u sheegay kadib doorashadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) Hoggaamiyaha maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, Madoobe Nuunow Maxmed ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in taageerto rabitaanka dadka ku dhaqan lixda gobal ee loo sameeyay maamulka cusub.

Aadan Madoobe oo hadal jeediyay markii uu ku guuleestay doorasho goordhow soo dhammaatay kana dhacday xarunta ADC-da ayaa sheegay in dastuurka dalka uu dhigaayo in dad kasta oo doonaya in ay sameestaan maamul ay sameesan karaan.

“Dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay dhowrto dastuurka dalka u yaalla isla markaana ay taageerto rabitaanka shacabka ku nool gobalada ku yaalla Koonfur Galbeed ee dalka” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.

Wuxuu sheegay in maalmaha soo socda uu soo dhammeestiri doono maamulka lixda gobal ka kooban sidda golaha wasiirada iyo xildhibaannada baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com