25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Maxamuud Sayid Aadan oo loo doortay madaxweyne ku-xigeenka 6-da gobal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka maamulka ka kooban lix gobal oo loo dhisay Koonfur Galbeed.

Ma jirin cid la tartantay Maxamuud Saydi Aadan oo horrey u soo noqday xildhibaan iyo wasiir dowladihii KMG ah ee soo maray dalka.

Waxaa siddaas lagu soo gabagabeeyay doorashadii maanta ka billaabatay xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo.

Madoobe Nuunow iyo Maxamuud Sayid Aadan waxaa doortay 73-oday dhaqameed kuwaaoso ah guurtida uu lee yahay maamulka cusub.

Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka soo jeeda gobalka Gedo, wuxuuna ka mid ahaa dadkii mucaarad sanaa maamulka lagu dhisay Jubbooyinka ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

Doorashada maanta ka dhacday Baydhabo waxa aan taageesaneen dowladda Soomaaliya, balse hoggaamiyaha maamulkan loo dhisay lixda gobal, Aadan Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay taageerto rabitaanka shacabka ku dhaqan lixda gobal ee loo sameeyay maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News