Golaha Wasiirada oo war kasoo saaray wixii maanta ka dhacay Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online) Golaha Wasiiradda xukuumada Soomaaliya oo shir degdeg ah Muqdisho ku yeeshay ayaa sheegay in aaney taageersaneen wixii maanta ka dhacay xarunta ADC-da ee magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu guddoominaayay wasiirka garsoorka, Faarax Sheekh Cabduqaadir, ayaa lagu sheegay dowladda ay taageersan tahay war-qoraal ah oo ka soo baxay mar sii horreysay maanta wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda.

Shirka markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre,

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay taageersan tahay maamulka KMG ah ee Jubba iyo heshiiskii dowladda iyo maamulka Axmed Madoobe ay ku kala saxiixdeen sannadkii horre ee Addis Ababa.

Wasiirka ayaa caddeeyay dowladda in aan marnaba aqoonsan doonin labada shir ee ka socda Baydhabo isagoona xusay in ay garab mareen dastuurka u yaalla dalka.

Ugu dambeyn wasiirka wuxuu ka digay in haddii dhibaato iyo gacan ka hadal ay ka dhashaan maamulada loo dhisaayo gobalada Koonfur Galbeed in ay mas’uuliyadooda ay qaadan doonaan dadka ku howlan sidda uu yiri.

Dowladda waxa ay si cad u sheegtay in aaney taageersaneen doorashada maanta ka dhacday xarunta ADC-da.

Si kastaba, dadka wax odorosa waxa ay lee yihiin waxaa laga cabsi qabaa in magaalada Baydhabo ka dhacaan dagaallo lamid ah kuwii ka dhacay Kismaayo sannadkii horre markii la isku qabtay maamulo halkaas looga dhawaaqay.

Waayo waxaa hadda shir kale oo lagu dhisaayo maamul ka kooban seddax gobal uu ka socdaa Hotelka Bakiil oo ku yaalla duleedka Barre ee Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com