Doorashadii ka dhacay BAYDHABA oo mucaarad cusub uu usoo baxay saaka

Muqdisho (Caasimada Online) Odayaasha dhaqanka ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in aaney taageersaneen doorashadii shaley ka dhacday magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Imaam Khaliif Cabdulaahi Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashadaas ay ahayd mid beelo gaar ah ay wateen oo aaney loo dhammeen sidda uu hadalka u dhigay.

“Ninka meesha lagu doortay waxaa loo meeriyay wax uusan isaga lahayn marka teeda kale labada shir ee iska soo horjeeda annaga nalagama qaybgalin” ayuu yiri Imaamka.

Imaamka ayaa sheegay in labada shir aaney laga qaybgalin odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay doorashada meesha ka dhacday.

Ugu dambeyn imaamka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin maamul loo dhiso gobalada Koonfur galbeed balse loo baahan yahay in laga qaybgaliyo dadka ka soo jeeda gobaladaas.

Halka Imaam Khaliif Cabdulaahi ayaa ah kii ugu horreeyay ee lagu mucaaradayo  doorashadii shaley ka dhacday xarunta ADC-da oo madaxweyne loogu doortay Madoowe Nuunow Maxamed oo hoogaamin doona maamulka lixda gobal ka kooban ee loo dhisaayo Koonfur Galbeed ee dalka

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com