QM oo war ka soo saartay doorashadii Baydhabo ka dhacday & mowqifka DFS

Muqdisho (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa xalay war ka soo saartay shirarka iska soo horjeeda ee ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay  ayaa lagu sheegay in uu si hoose ula socdo  arrimaha ka dhacaya Baydhabo,arrimahaasi oo ay  ku jiraan natiijada ka soo baxday Shirka Baydhabo.

Nicholas Kay ayaa sheegay inuu  arkay mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ku aadan shirkaasi.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyadda ay arrintan khusayso in ay si weyn taxadir uga muujiyaan ficil kasta oo wax u dhimi kara Nabadda “ ayuu yiri Ergayga Gaarka ah Kay. “

“ Sannaddan, waxaa aad muhiim u ah siddii lagu heli lahaa Soomaaliya oo mid ah uuna ka hirgalay Nidaamka Federaalka,dalka waxaa uu xal u helay caqabado fara badan oo dhawaan dhacay isaga oo adeegsanaya habka wada hadalka iyo isu tanaasulka ku dhisan”

“ Waxaan ku dhiiri gelinayaa oday dhaqameedyada,siyaasiyiinta, iyo dhammaan dadka ay arrintan khuseyso in  ay si dhab ah u wadaan habka wada hadalka siyaasadeed ku dhisan ee loo wada dhanyahay kuna qotoma xurmeeynta dastuurka ku-meelgaarka ah, iyo heshiisyadda jiraba,qaramadda Middobay waxay sii wadi doontaa taageeridda ay u hayso dadaaladda  ay sii waddo dowladda Federaalaka ah ee Soomaaliyeed, kuna aadan dib u heshiisiinta”. Ayuu ku daray Mr Key.

“ Xaaladda ka jirta Baydhabo waxay  aad u ifisay baahidda deg-dega ah ee loo qabo in dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay dedejiso shaqadeedda ku aadan  habka dowlad-dhisidda Soomaaliya, waana in uu noqdaa hab loo wadda dhanyahy, oo ay ku jirto  in la dhigo  qorsho howleed tifa-tiran, hadana wakhtiyaysan, kuna aadan sameynta dowlad Goboleedyadda,dhamaystirka dastuurka iyo Dimoqoraadiyeynta dalka marka la gaaro sanadda 2016” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah.

Ugu dambeyn war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya uu sii wadi doonaa arrimahan muhiimka ah,isaga oo la kaashan doona  saxiibadda Caalamka ama Jaalayaasha caalamka sida AMISOM, IGAD iyo Midowga Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com