DFS oo digniin u dirtay siyaasiyiinta..

Muqdisho (Caasimada Online)Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay haddii  khalalaaso ay ka dilaacaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay oo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda, in ay mas’uul ka noqon doonaan isla markaana laguna xisaabtami doono siyaasiyiinta ku howlan shirarkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdulaahi Goodax Barre oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay in haddii qof kasta uu sameesto wixii uu ku fikiro taasi ay muujineyso in dalka aaney ka jirin dowlad “Cid laga yeelaayo ma jirto” ayuu cod dheer ah ku yiri wasiir.

Wasiirka wuxu kaloo sheegay in haddii siyaasi kasta oo heesta waxoogaa kharash ah, odayaalna ku aruursada meel dhaha waxaa la ii doortay maamul hebel” arrintaas ma soconeyso ayuu markale yiri.

Wasiir Goodax ayaa tilmaamay haddii magaalada Baydhabo ay ka dilaacaan colaado salka ku haya shirarka iska soo horjeeda in ay mas’uuliyadooda ay qaadi doonan siyaasiyiinta ku howlan arrimahaas waana lagula xisaabtami doonaa ayuu yiri.

“Dooraashadii shaley ka dhacday Baydhabo waxa la mid tahay tii ka dhacday Kismaayo, mana la aqbalaayo in qof kasta oo siyaasi oo heesta kharash uu odayaal meel ku soo aruursada haddana dhaha waxaa la ii doortay madaxweyne” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Mar la weydiiyay tallaabada ay dowladda ka qaadi doono haddii colaalad ay Baydhabo ka dilaacdo wuxuu carabka ku adkeeyay in la soo qaban doono oo sharciga waxa uu qabo la marsiin doono sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wasiirka wuxuu ku celceliyay in dowladda Soomaaliya aaney aqoonsan doonin shirarka iska soo horjeeda eeka socda magaalada Baydhabo, isagoona ku sababeeyay in aaney soo marin nidaamka dastuurka ee dalka u yaalla.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo shaley mid ka mid ah shirarka iska soo horjeeda ee ka socda Baydhabo loogu doortay madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed oo xildhibaan iyo xilal ka soo qabtay dowladihii KMG ah ee soo maray dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com