Dadweyne buux dhaafiyay CID-da

Muqdisho (Caasimada Online) Afaafka horer ee xarunta dambi baarista ee CID-da,waxaa maanta oo Talaado ah buux dhaafiyay dad weyne fara badan oo u badan haween baroonaya oo sheegay in carruurtooda iyo raggoodii ay ku xiran yihiin halkaas.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, oo tagay goobta ayaa soo sheegay in uu soo arkay hooyooyin ka naxsan carruurtooda oo qaar badan laga soo qabqabtay iyagoo ku sugan guryahooda ama u socday goobo wax barasho.

“Walaahi tan iyo shaley markii la xiray wiilkeyga ifka kaliye illaah uu iga siiyay,waxbo ma cunin waan iska oonayaa, maxaa yeelay wax dambi ah oo uu galay wiilkeyga ma jirto, mana arkin ilaa hadda mana aqaano wuxuu ku sugan xaaladan” ayey tiri Hooyo Bintow oo 42-jir ku barooraneysay afaafka horre ee xarunta CID-da.

Ma ahan hooyadan kaliye dad kale ee goobta ku baroonayay, waxaa kaloo uu wariyaha arkay haween badan oo leh raggeena ayaa goobta ku xiran.

“Anniga ninkeyga ayaa goobtan iiga xiran, waxaan ahay umul oo dhowr maalmood ayaan dhalay gabar seddax kale oo carruur waa ay noo joogtaa majirto cid na biishay tan iyo shaley, ninkeygiina halkan ayuu ku xiryahay” ayey tiri Maryan Sheekh oo 32-jir uu warrantay Caasimada Online.

Ma jirto dadkan cid la hadlay, waxaana ay buux dhaafiyeen afaafka horre ee xarunta CID-da iyagoona ku dhaartay in aaney ka tegi doonin goobta ilaa inta dadka ka xiran loo soo deen.

Dadkan xiran ayaa lagu soo qabqabtay howgallo shaley ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen degmooyinka Hodan iyo Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka

Caasimada@live.com