Hadda iyo Xaqiiq: Yaa guuleystay DFS & maamulka Axmed Madobe ee Juba?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubba ee Kismaayo ka taliya ayaa shaaciyay inaanu iminka diyaar u ahayn wareejinta Maamulka Dekedda iyo Gegida Diyaaradaha Kismaayo, arrintaas oo ku xusneyd Heshiis Maamulkan iyo Dowladda Federaalka horay u dhex maray.

Ibraahim Xassan Baajuun oo ah Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubba, ayaa BBC-da u sheegay in Dekedda Kismaayo ay la mid tahay Dekedaha ku yaala Gobalada kale ee Soomaaliya oo Maamuladoodu ay Gacanta ku hayaan, sidaas darteedna aanay suurtagal ahayn in Jubba kaliya la yiraa soo wareejiya Maamulka Dekedda Kismaayo.

Isagoo Hadalkiisa sii wata ayuu Mas’uulkani sheegay in Dowladda Soomaaliya laga sugayay inay Mushaar siiso Ciidamada jooga Kismaayo, sidoo kalena ay Taakuleyn ceyn walba leh ku taageerto Ciidankaas, balse arrintaas waxay noqotay buu yiri mid aan dhicin oo Dowladdu ay ka caga-jiidday.

Hadii la doonayo in la dhaqangaliyo Heshiiskii Dowladda iyo Jubba dhex maray, wuxuu Wasiirkani sheegay in ugu horeyn Dowladda looga fadhiyo meel marinta Qodobadii dhankeeda laga sugayay.

Mudane Baajuun ayaa intaas ku daray in Heshiiska Labada dhinac ay galeen aanu ka dhigneyn Aayado Qur’aan oo aan waxba laga badali karin, sidaas darteedna waxaa suurtagal ah buu yiri in Heshiska la diido amaba isbedel lagu sameyo.

Hadalkan wuxuu imaanayaa, iyadoo uu dhamaaday Xilliga ay Dowladda iyo Maamulka Jubba ku heshiiyeen in Gacan ku heynta Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo uu Maamulka halkaas ka jira sii hayo, waxaana Waqtigaas lagu heshiiyay oo Lix Bilood ahaa ka dib la filayay in Howshaas ay toos Dowladda Dhexe ula wareegto.

Dad badan oo Heshiiskii hore ee Maamulka Jubba lala galay dhaliilsanaa ayaa iminka waxay leeyihiin, Hadalka Maamulkaas kasoo baxay wuxuu tusaale u yahay Guul Siyaasadeed oo Hogaanka Axmed Madoobe uu kasoo hoyay Dowladda Dhexe, maadamaa Aqoonsiga Dowladda oo Maamulkaasi wax wayn ugu fadhiyay uu ku kasbaday Heshiiskii Addis ka dhacay.

Mar haduu Maamulka Jubba helay Aqoonsiga Dowladda, waxaa arrin la malaysan karo ahayd inuu gadaal uga gurto Heshiiskii dhacay, waana tan iminkaba soo ifbaxay, maadaama uu diiday Maamulku Qodobadii dhanka Dowladda aadka muhiimka ugu ahaa ee quseeyay la wareegista Maamulka Ilaha Dhaqaale ee Gobalka.

Wareyiga Baajuun ee BBC halkan hoose ka dhageyso

baajuun

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com