Warsangeli Abgaal: Xasan Sheikh ayaa weerar nagu ah, dagaalkuna joogsan..

Muqdiho (Caasimada Online) –  Maxamed Nuur Afrax, oo ka mid ah odayaasha Beesha Warsangeli Abgaal, ayaa wuxuu si kulul uu u weeraray Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gelinkii dambe ee shalay, ayaa waxay Ciidanka Militariga ee Dowladdu ay isku dayeen in ay qaadaan, jidgooyo Deegaanka Tixsiile u yaal Gudoomiyihii hore ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir Yuusuf Cali Indhool, inkastoo ay Ciidanku ku fashilmayn.

Afrax oo la hadlay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Dowladdu ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Tixsiile, isagoo sababtuna ku sheegay Check Point ay kaga sugan yihiin maleeshiyaad ku beel ah.

“Inta laga soo gudbo 11 jidgooyo wadada yaalo oo la soo weeraro Check Pointigii 12-aad, oo ay ku sugan yihiin wiilal yar yar oo Warsangeli ah, waxay ina tuseysaa sida weerar loogu yahay Beesha Warsangeli.” ayuu yiri Maxamed Nuur Afrax.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya uu amar ku bixiyay in la weeraro Beesha Warsangeli, laakiin ay sii wadi doonaan dagaalka lagu soo qaaday, sida uu yiri.

“Anaga waxaa weerar nagu ah Xasan Sheekh, in naloo adeegsado Qaafoow waa wax uu hadhow ka jawaabi doono Xasan Sheekh, wixii ka yimaado duulaankaan qaawan, mana joogsan doono dagaalka.” ayuu yiri Afarx.

Afrax, ayaa waxa uu intaa ku daray in cid kasta ay ogtahay in Madaxweyne Xasan Sheekh, uu si guracan ula dhaqmaayo buu yiri Beesha Warsangeli, balse aynaan u wanaagsanayn Dowladdiisa, sida uu sheegay.

Taliyaha qaybta 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida General Maxamuud Maxamed Xasan “Qaafoow” iyo Madaxa Saadka iyo Sahayda ee Militariga C/laahi Macalin Nuur, ayaa hogaanka u haayay Ciidanka weeraray Tixsiile.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com