AXMED MADOOBE oo ku sugan Addis Ababa iyo xog laga helay socdaalkiisa

Addis Ababa (Caasimada Online) Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa waxaa garoonka Addis Ababa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Dr Tedros Adhanom.

axmed-addis-ababaAxmed Madoobe ayaa ka hor inta uusan gaari Addis Abaab, muddo toddobaad ah ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Nairobi.

Si dhab ah looma oga socdaalka uu Axmed Madoobe ku joogo magaalada Addis Ababa, balse ila xog ogaal ayaa noo sheegay in Axmed Madoobe wax laga weydiin doono sababta uu hirgali waayay heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ee Jubba ku kala saxiixdeen lix billood ka hor Addis Ababa.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu maanta oo Salaaso ah la kulmo madax ka tirsan dowladda fedaraalka Ethiopia sidda ay lee yihiin ilaha warkan noo sheegay.

Axmed Madoobe waxaa kaloo uu soo mari doonaa dalka Jabuuti, halkaasoo uu kula soo kulmi doono madaxda dowladda Jabuuti.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ayaa waxaa soo kala dhex galay mad-madow la xiriira sidda loo wareejinaayo gegida diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa ku adkeesanaya in aaney wareejin doonin garoonka iyo dekedda maadama aaney taageero ka helin dowladda dhexe.

Imaashiyaha Axmed Madoobe Addis Ababa, ayaa ku soo aaday iyadoo maalin ka hor uu isna ka ambabaxay magaalada Addis Ababa madaxweynaha maamulka Puntland oo toddobaad ku sugnaa Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com